From Garoweonline.com

Wararka
Sarkaal u shaqeya samafalka oo la diley
By
Oct 17, 2008 - 5:17:50 PM

Sarkaal Somali ah oo ka tirsan Barnaamijka cuntada adduunka ee QM ayaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Merka ee gobolka Sh Hoose.

Sarkaalka oo la oran jiray Cabdi Naasir Aadan Muuse ayaa sarkaal Qaramada Midoobay ka tirsan waxa uu BBC u xaqiijiyay geeridiisa, isagoo sheegay in rag dabley ah oo ku hubeysnaa bistoolado ay ku toogteen sarkaalka meel u dhaw masjidka Shiikh Abroone oo uu ku soo dukaday salaadda Maqrib.

Marxuumka ayaa isagoo dhaawac ah la geeyay isbitaalka magaalada Merka, halkaasi oo uu muddo gaaban kadib ugu dhintay dhaawaci ka soo gaaray weerarkaasi.

Weerarkan oo ah kii labaad ee muddo todobaad ah lagu qaado shaqaalaha hey'adda samafalka ayaa ku soo beegmay, iyadoo hey'adda WFP markab u raran oo sida gargaar cunto uu taagan yahay dekedda Merka.

Xigasho/BBC



http://www.garoweonline.com