Taliyihii Ciidamada Maxkamadaha Islamiga ee Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan islamarkana ka goostay Maamulka saakay ayaa ka warbixiyay waxa keenay inuu u talaabo mucaaradka kana baxo Maamulka uu ka midka ahaa.
Shir jaraa'id ayay maanta si wada jir ah ay ugu qabteen galbeedka Magalada B/weyne sarakiisha Ururka Xisbul Islaam iyo Shiikh Ibrahim Yusuf oo ah taliyaha ka goostay Maamulka waxayna kaga hadleen qodobo dhawr ah oo ay ugu horeyso xaaladaha iminka ka jira guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Shiikh Ibraahim Yuusuf ayaa ugu horeyn waxaa uu sheegay in xilligan dalka aysan Dowlad ka jirin waa sida uu hadalka u dhigaye,waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in jihad lala galo ciidamada Ethiopia iyo kuwa AMISOM ee ku sugan dalka, waaxaa sidoo kale uu intaasi ku daray in uu yahay xilligan laga bilaabo askari katirsan Ururka Xizbul Islaam.
Wakiilka Ururka Xizbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Shiikh Cumar (Abuu Haadi ) oo isna ka hadlay shirakasi Jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in ay si weyn u soo dhaweenayan taliyihan ku soo biiray iyaga.
Sikastaba ha ahatee ma’ahan markii ugu horeysay oo sarkaal katirsan Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan xilka uu u hayay Maamulka isago tago iyadoo ay ugu dambeysay Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka oo isna todobaadka jooga Muqdisho uu sheegay inuu ka baxay Maamulka kuna biiray Ururka Xizbul Islaam.
Horay ayaa sidoo kale waxaa isku casilay xubo badan oo isugu jiro Mamul heer Gobol iyo heer Degmo waxaana shirka jaraa’id lagu qabtay sidoo kale joogay saraakiil hore uga soo goosatay Maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan
Isku soo wada duube lama oga saameynta ay ku yeelan karto is casilada madaxa amniga ee Degmada B/weyne ee Maamulka maxkamadaha islamiga ee Gobolka Hiiraan xilli Gudoomiyihii Gobolka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow uu Maqan yahay G wallow aan la ogeyn sababta isaga laftiis uu ku baxay iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo oo laga dareemayo guud ahaan Gobolka.
GAROWE ONLINE