Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Sarkal ka tirsan Ururka Xisbul Islam oo lagu dilay Bakaraha


Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbul Islam oo lagu magacaabi jiray Barre Cali Barre ayay kooxo hubeysan maanta ku toogteen bartamaha Suuqa Bakaaraha oo ay kooxaha DF ka horjeeda ku xoogan yihiin, kuwaasoo baxsaday.

Dilka Marxuumka oo ka dhacay meel aad u dad badan ayaa waxay goobjoogayaal ay la xiriirtay Garowe Online sheegeen inay toogteen 4-qof oo ku hubeysan bastoolado, waxaana uu isku dayay dhowr jeer inuu iska difaaco.

Mas'uulkan la dilay ayaa ka mid ahaa saraakiisha sida weyn ugu dhow hogaamiyaha Ururka Xisbul Islam Sh. Xasan Dahir Aweys, wuxuun si weyn uga soo horjeestay in Sheekh Xasan Turkey uu ku biiro Ururka Al-shabaab oo ay xulufo ahaayeen.

"Waxaa lagu dilay Bakaaraha Barre Cali Barre oo ka mid ahaa xubnaha Xisbul Islam waxaana socda baaritaano aan ku ogaanayno cidii ka dambeysay dilkiisa, saxaafada ayaana u soo bandhigi doonaa" sidaa waxaa yiri Afhayeenka Ururka Xisbul Islam Sh. Max'ed Macallin Cali.

Dilka Barre ayaanay jirin cid sheegatay, waxaana uu [Feb 2010] ka badbaaday fal la doonayay in lagu qaarjiyo, kadib markii lagu weeraray bambooyinka gacanta laga tuuro isagoo kusii socday gurigiisa.

"Sh. Xasan Turkey iyo xubnaha kale ee ku biiray Xisbul Islam waxay ahaayeen kuwo aan matalin Xisbul Islam iyo Ras-kamboni" ayuu yiri sarkaalkaan la dilay maalin kadib markii hadalkaas laga shaaciyay warbaahinta.

Madaxda Xisbul Islam ayaa rumeysan in dilkan ay ka dambeyaan Al-shabaab, iyadoo mas'uul codsaday inaan magaciisa la sheegin uu u sheegay GO in dilkan uu xiriir la leeyahay laba sarkaal oo Al-shabaab looga dilay habeen hore Isgoyska Sanca, kadib markii uu dagaal dhexmaray ciidamo ka kala tirsan labadan kooxood.

Hogaamiyaha Xisbul Islam ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dilka Barre Cali Barre isagoo sheegay in bayaan ay kasoo saari doonaan, waxaana dilkan uu imaanayaa kadib hal todobaad markii Al-shabaab ay ku eedeeyeen Xisbul Islam inay ka dambeeyeen qaraxyo fashilmay oo lagu dili lahaa saraakiishooda.

Arintan ayaa waxay sii xoojinaysaa khilaafka u dhexeeya Al-shabaab iyo Xisbul Islam kaasoo horay dibada ugu soo baxay, markii uu qarxay dagaalkii Kismaayo oo u dhexeeyay labadan urur oo dagaal wadajir ah kula jira DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Dhimashada qaraxii xalay Muqdisho
Midowga Yurub oo u digey DF Somalia
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: President Farole opens constitution ceremony
GAROWE, Somalia Feb 9 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us