Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Senator ka hadlay warbixintii UN-ka


Senator Russ Feingold ayaa sheegay in dalkiisu uu aad uga walaacsan yahay gudiga xaqiiqo raadinta warbixintii ay kasoo diyaariyeen Somalia, wuxuuna sheegay inay dalbadeen in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Baaritaanka warbixintan waxay noqon doontaa mid cadeysa xaalada mugdigu ku jiro ee Somalia, si loo ogaado kuwa lugta ku leh qalalaasaha ka jira Somalia oo kasii darayay sanadkii ugu dambeeyay.

Senatorku wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay baaritaan dhab ah ku sameyso qoraalkan isagoo xusay in tani ay sababi karto in dalkiisa iyo dalalka kale ee deeqda siiya Somalia ay uga fiirsadaan gargaarka ay ku bixinayaan Somalia.

"Warbixinta waxaa lagu sheegay in gargaarka la siiyo Somalia uu gabigiis gacnta u galo Al-shabaab, taas ayaana ah mida ugu weyn ee walaaca nagu haysa" ayuu yiri Russ Feingold oo intaas ku daray in baaritaan kale oo la sameeyo uu xaqiiqda taaban karo.

Gudiga baarista ku sameeyay arimaha Somalia ayaa ku sheegay warbixintooda ay u gudbiyeen golaha Amaanka ee UN-ka inay gargaarka loogu talogalay Somalia loo weecyo kooxaha hubeysan ee ka horjeeda DF sidoo kalena ay wasiirada DF gataan fiisooyinka.

"Haddii warbixintu ay run noqoto waxaa imaanaysa in xayiraad lagu soo rogo socodka madaxda DF, isla markaana la xayiro hantidooda" ayuu yiri Feingold, oo intaas ku daray in la hakin doono socdaalada Madaxda Dowlada Somalia.

Senator-ku wuxuu sheegay in wax la aqbali karo aysan ahayn in raashinka loogu talogalay dadka dhibaateysan ee Somalia ku sugan ay la wareegaaan kooxaha DF ka horjeeda, isagoo sheegay in taasi ay tahay mid qalbigooda wax u dhintay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo go'aankii ay madaxda WFP ku gaareen inay la shaqeeyaan gudiga baaritaankan xaqiijinaya, kuwaasoo ka madax banaan gudigii horay warbixinta u soo gudbiyay.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us