Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Sh. Shariif oo ergay u magacaabay USA


Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa wareegto kasoo baxday Vila Somalia ku magacaabay Ergay wakiil uga noqonaya dalka Mareykanka, kaasoo loo magacaabay Abuukar Cabdoow Carmaan.

Magacaabista Camraan ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagu adkeynayo xiriirka Sh. Shariif kala dhexeeya Mareyaknka, isla markaana muhiimad gaar ah lagu siinayo wadashaqeynta u dhexeysa DF iyo Mareykanka.

"Abuukar Cabdoow Carmaan waa qoraa muddo dheer daganaa dalka Mareykanka, waxaana magacaabidiisa ay qayb mug leh ka qaadanaysaa soo celinta amaanka dalka iyo xoojinta siyaasada dalka" ayaa lagu yiri wareegtada magacaabida.

Sarkaalkan la magacaabay ayaa la sheegay inuu daganaa dalka Mareykanka muddo 30-sano ah, da'diisuna ay tahay 49-jir, waxaana magacaabidiisa lagu soo beegay xili ay DF sheegtay inay xirayso inta badan safaaradaha ay caalamka ku leedahay.

Waa ergaygii ugu horeeyay oo uu Sh. Shariif u magacaabo dal caalamka ka tirsan, iyadoo Dowlada Mareykanku ay horay u sheegtay inay gacan siinayso dowlada Somalia si ay uga guulaysato mucaaradka hubeysan ee dagaalka kula jira.

Hay'adda Amnesty ayaa ku eedeysay Mareykanka in hubkii uu ugu deeqay DF loo adeegsaday qaab ka baxsan bani'aadamnimo laguna dilay dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn siyaasadaha dagaal ee dalka ka jira.

Mas'uulkan la magacaabay oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu farxay xilka loo magacaabay uuna u gudanayo si daacad ah, inkastoo aan weli loo dhaarin xilka loo magacaabay.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us