Sh. Shariif oo u dhoofay Uganda 17 Nov 17, 2012 - 5:33:41 AM
Madaxweynihii hore ee Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa u dhoofay dalka Uganda halkaasoo isaga iyo qoysaskiisu ay degi doonaan, kadib markii ay magan-galyo ka heleen Madaxweynaha Uganda, Yoweri K. Museveni.
Sh. Shariif iyo qoyskiisa ayaa waxaa sii sagootiyay xubno ay aad isugu dhow yihiin iyo Xildhibaano ka tirsan DF, iyadoo aysan mas'uuliyiinta DF ee xilka haya ka hadlin bixitaankiisa, sidoo kalena aysan sii sagootin.
"Madaxweynihii hore wuxuu aaday Uganda halkaasoo isaga iyo qoysaskiisu ay degi doonaan. Wuxuu magangalyo ka helay Madaxweynaha dalka Uganda, kadib markii uu si sharaf leh ku wareejiyay xilka" ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in isagu uu waxbarasho u aadi doono dalka Mareykanka, halkaasoo uu kusoo diyaarin doono waxbarashada Mestarka ah ee dhinaca siyaasada iyo hogaaminta.
Madaxweynihii hore ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashada wuxuu ku sugnaa Muqdisho, isagoo aan saxaafada la hadlin, waxaase safarkiisan uu ahaa mid kadis ah oo aan horay loo ogeyn.
Yoweri Museveni ayaa Sh. Shariif ku wargeliyay markii doorashada loo adkaaday in uu guri ka siinayo dalka Uganda, halkaasoo ay isaga iyo qoyskiisa ku noolaan doonaan, iyadoo la ogeyahay in Uganda ay ciidamo badan kaga sugan yihiin Somalia.
Sh. Shariif oo dhoofay Jimcihii shalay ayaan la hadlin saxaafada, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu qorsheynayo inuu dhiso xisbi siyaasi ah, marka ay soo dhawaato doorashada madaxnimo ee Somalia.