Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Shabaab oo ka baxayo Bakaraha


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in kooxda Al-shabaab ay bilowday inay hubkeeda kala baxdo suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo ay ku leedahay saldhig weyn.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay inay iyaguna isaga baxeen suuqa oo bartimaameed u noqon kara ciidamada dowlada, marka uu bilowday dagaalka ay sheegeen inay kula wareegayaan Muqdisho.

"Hub, gaadiid iyo qalab kale oo ciidan ayaa habeenkii laga bixiyaa suuqa Bakaaraha, waxaana lagu daadgureeyaa gaadiid yaryar oo aad u dheereeya, ma naqaan halka loo qaado" ayuu yiri ganacsade diiday inuu magaciisa sheego oo ku sugan Bakaaraha.

Ganacsadahan ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab inay inteeda badan ka baxeen Bakaaraha oo ahaa saldhig weyn oo ay kaga duulaan DF, qaarkood waxay bilaabeen inay ka guuraan gudaha suuqa oo ay daganaayeen tan iyo markii ay Ethiopia baxday.

Ilo wareedyo kale oo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in sidoo kale ay kooxda Al-shabaab ka guurayso deegaanada ay ku xoogan tahay sida Dayniile oo duleedka Muqdisho ku taala, iyagoo aadaya dhinaca howdka.

Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay DF ku baaqday inay dagaalo ku qaadayso goobaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin kooxaha kasoo horjeeda si ay ula wareegto amaanka caasimada.

"Wararka kasoo baxaya DF waa kuwo hanjabaadyo uun ah, tan iyo markii uu joogay Cumar Xaashi ayay hadaladaas wadeen, waana kuwo aan waxba ka suurogalayn" ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali dhere oo todobaadkii hore qabtay shir jaraa'id.

Sidoo kale wasiirka Beeraha DF Max'ed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in dowladu ay diyaargarowday, ayna qaadayso weeraro dib loogu qabsanayo deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo horjeeda.

Hadalada colaadeed ee ay isdhaafsanayaan DF iyo Mucaaradka kasoo horjeeda ayaa waxay cabsi geliyeen dadkii Muqdisho ku harsanaa, kuwaasoo bilaabay inay guryahooda ka qaxaan.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us