From Garoweonline.com
Gud. Gobolka Bari oo ka hadlay amaanka
By
Jul 22, 2010 - 1:09:32 PM
Shiikh Cabdi Xaaafid Cali Yuusuf Gudoomiyaha Gobolka Bari oo u waramay Radio Garowe ayaa ka hadlay howlgalada amaanka lagu adkaynayo ee maalintii Afarad ka soconaya magaalada Bosaso isagoo sheegay in ay yihiin kuwo dowladu ku xaqiijinayso amaanka isha ganacsiga Dowlada Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdi Xaafid Cali Yusuf waxaa meesha ka saaray in si gaara dowladu u bartilmaameedsanayso dadka ku nool Bosaso ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaliya basle waxa uu xusay in dadka loo celinayo deegaanadii ay ka yimaadeen yihiin dadka iska jooga kuwasoo aan hayn wax shaqo ah.
Mud.Cabdi Xaafid waxaa uu shacabka ku nool Bosaso ku amaanay sida ay ciidama amaanka ula shaqeeyeen inta howlgaladu socdeen uguna yeeray in ay ka qayb qaataan difaaca Puntland.
Dhagasyo waraysi Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xaafid Cali Yusuf oo ka hadlay howlaha amaanka lagu adkaynayo ee Bosaso isagoo u waramaya wariye Maxamed Baashi.
http://www.garoweonline.com