Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Aug 19, 2008 - 3:16:25 AM
Wararka
PL: Xildhiban sharxay Dasturka


Xildhibaan Axmad Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Puntland ayaa Idaacada Radio Garowe maalintii shaley tafaasiil ka siiyey dooda Dastuurka oo ka socota xarunta Barlamanka ee magaalo madaxda Garowe meesha ay mareyso.

Mudane Axmad Barre ayaa shegey in Doodii Dasturka la jojiyey maalintii shalay kadib markii Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Xildhibanada horkeeney in ay ansaxiyaan Hantidhowrka guud oo Madaxweyne Cadde Muse horey u magacabey. DHAGEYSO

Mr.Barre ayaa xusey in Xeer Hoosaadka Barlamanka qorayo in Labo Mooshin la furi karin taasna ay sababtey in cod loo qaado qodobkii laga hadli lahaa taas oo sababtey in uu xiranto doodii Dastuurka taasoo adkeyneysa in dib loo soo cesho.

"Barlamanka aad ayuu uga biyo diidsan yahay ansaxinta Dasturkan, arintuna waxa ay tahay Dastuurka Dastuur ahaan looma diidana oo kii horeba qabyo ayuu ahaa wax badana waa ka dhimanayeen, lakiin midkan waxaa aad ugu olo-leynaya xukuumada oo waqtigii ka sii dhamaanayo, waxaana aad loo tuhunsanyahay in ay xukuumadu rabto in ay ku kororsato dhow arimood oo jira awgood, midda koowaad Dasturkan cusub waxaa ku qoran xiliga xukumadu jireyso waa shan sano halka kii hore aheyd Afar sano, marka hadii uu dhaqan galo waxaa shakiga jiraa yahay in xukumadu ku doodo in Shanta sano oo ku qoran hal sano u dhiman tahay."ayuu yiri Xildhibaan Barre

Mr.Barre oo Fasiraad ka bixinaya sababta loo diidan yahay Dasuurkaan ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yiri " Dastuurka waxaa ku jira in la magacaabayo Guddi daarsho oo ka kooban sagaal xubnood, halka Shan uu soo magacaabayo Madaxweynaha, Afarna waxaa magacabaya Barlamanaka oo xasanad siin doona Sagalkaba, taas oo keeneysa marka xasaanad la siiyo, Madaxweynahana aqlabiyad ku leeyahay keeni karaan soo jeedin ah in xilka loo kordhiyo xukuumada."

Xildhibanka oo Idacada Radio Garowe wax ka waydiisay warar sheegaya in hay'ada PDRC oo tageero dhaqale ka hesha Interpeace faragalin ku hayso howlaha Barlamanka ayaa shegey in uu jiro arinkaas islamarkana tilmamey in ay tahay arin khalad ah.

Ahmad Barre ayaa shegey in hay'ada Siminar iyo dhaqaale ugu talagashay Dasturkan sidii loo ansaxin lahaa taas oo waxyeelo u gaysan doonta madaxbananidii Barlamanka isaga oo xusey in Xildhibaanadiu diideen ka qayb galka Seminarka kadib markii uu soo jeediyey Gudoomiyaha aqalka wakiilada. AKHRI [ Eadeyn loo jeediyey Interpeace]

Radio Garowe oo Xildhiban Barre waydiiyey markii la ansaxinayey Hantidhowrka cusub in ay wax ka waydiiyeen ku takrifalka hantida shacabka oo maamul goboleedka PL ka ah mid aan qarsoodi aheyn ayaa sheegey in uu ku jawaabey Hantidhowrka cusub
" Aniga Gudomiyihii uga horeeyay waxaan ka dhaxley Faylal kuwas oo aan u gudbiyey Xerilaaliyaha guud, anigana inta aan hadda joogey afar Kiis ayaan baarney oo xoolo lagu lunsadey, waxana u gudbiney Xerilaaliyaha guud, Madaxweyne Cadde ayaan u gudbiney, Guddoomiyaha Barlamankana waxaan u dirney ogeysiin, kadib markii aan Xerilaaliyaha dib u waydiiney waxaa uu noo sheegey in uu sulux ku dhameeyay sadex kamid ah, midkii Afraadna laga baxsadey, waxaan isula tagney Cadde Muse oo noo sheegey in eedeeyntaas la baa'biyey."

Wareysiga Xildhibaan Axmad Barre oo ayaan dhowaan soo gudbin doonaa.

Radio Garowe,Garowe

RELATED:
7 ku dhimatey Muqdisho
Maxkamada Hargeysa oo dacwad diidey
Ethiopia oo iska fogeysay xasuuq

Advertisement
 

Somalia: Anarchy-Cursed Nation Looks to Bottom-Up Rule

EDITORS PICK:

Somalia: President approves oil deal as PM rift continues
KUWAIT CITY, Kuwait Aug 19 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us