Shaqaale loo furey tababar Garowe 5 Jan 5, 2013 - 5:16:33 AM
GAROWE ONLINE
Qaar ka mida Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa maanta 05 January,2013 looga furey tababar ku saabsan qalab casri ah oo dhowaan la keeney kaasi oo isku xiraya Xogta ku jirta dhamaan garoonada Puntland.
Hayada Socdaalka Dunida ee IOM oo qalabka keentey ayaa fulineysa tababarkan ,waxana uu socon doonaan muddo 10 maalmood ah.
Agaasimaha guud ee Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Siciido Xuseen Cali ayaa sheegtay tabarkan inuu yahay mid ka kooban qalabka casrigaa ee wax lagu baaro, kaasoo fududaynayo la socoshada dadka ka soo dagaya garoonka iyo kuwa ka dhoofaya iyo weliba macluumaadka ay xambaarsanyihiin iyo ogaashaha waxa ay yihiin.
Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada Cabdiqani Geele Maxamed ayaa u sheegay dadka tabarka loo bilaabay inay heleen fursad aysan helin dadka kale ayna iyagoo gurayahooga jooga la siinayo waxbarasho .
Wasiir dawlaha amniga cabdilaahi jamac cali ayaa shaqaalaha garoonka iyo maamulka garoonka ku booriayy inay si wayn u ilaaliyaan amniga garoonka diyaaradaha ,ayna mar kasta la socdaan dhaqdhaqaaqa ku xeeran garoonka
Wasiirka wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Xasan Cabdi ayaa soo xiray siminaarkan ,waxaana uu wasiirka shaqalaha la tabarayo u sheegay inay ka faa'iidaysataan mudada uu socdo siminaarkan
Halkan ka dhagayso warbixin uu ka diyaarshey Cawil Cali Jaamac