From Garoweonline.com
Sharif & Gaas oo ka duuley Muqdisho
By
Jan 27, 2012 - 6:51:49 AM
Madaxweynaha DF Somalia Sh.Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi oo uu horkacayo ayaa maanta ka duuley garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoona ku siijeeda dhanka xarunta Ethiopia si ay uga qaybgalaan shir maalinta beri ah ka furmaya halkaasi.
Kulanka Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ee beri furmaya ayaa la filayaa in Shariif Shiikh Axmed ka soo jeediyo khudbad ku saabsan xaalada amaan ee Muqdisho iyo guulaha laga gaarey kooxda Al-shabaab iska horimaadyadii ay lagaleen.
Dhanka kale Raysal wasaaraha dalka Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofey Aadan Cadde International Airport maanta isagoona ku sii jeeda dhanka Rome ee xarunta Talyaaniga.
Mario Monti raysal wasaaraha Talyaaniga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalkasi ayaa la filayaa in labada uu kulamo la qaatey Dr.Cabdiwe Gaas oo martiqaad rasmi ah ka helay xukuumadda Rome.
Madaxda Somalia ayaa la cadeyn inta ay ka maqnaan doonaan Muqdisho,waxana weli ka taagan Golaha Shacabka Muqdisho murankii ka taagnaa ee mudanayaasha Baarlamaanku isku haysteen cida gudoomiyaha u ah.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com