From Garoweonline.com
Shariif iyo Siilaanyo oo ku kulmaya Dubai
By
Jun 27, 2012 - 6:34:11 AM
Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu wadaa inay Berri ku kulmaan magaalada Dubai ee UAE iyagoo kawada hadli doona kulankii ay Ergooyin ay horay u magacaabeen ku yeesheen dalka Britain.
Labadan Mas'uul ayaa ku sugan Dubai halkaasoo uu ka socdo shir looga hadlayo arimaha Burcadbadeeda oo ay ka qaybgalayaan dalal ka badan 50-wadan oo isha ku haya falalka burcadbadeednimo ee xeebaha Somalia.
Sh. Shariif ayaa horay u sheegay in wadahadalada Bilowday ay yihiin kuwo dib loogu soo celinayo Midnimadii Somalia halka Siilaanyo uu isaguna sheegay inaysan jirin wax Midnimo la yiraahdo, balse ay wadahadalkan ku doonayaan inay ictiraaf ku helaan.
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu gooni uga go'ay Somalia iyagoo taas sabab uga dhigay tacadiyo ay sheegeen in loo geystay, iyadoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi kara kulanka ay labadan Ma'suul ku yeelanayaan Dubai.
Saadaasha laga bixinayo kulamadan ayaa waxay tilmaamayaan in hadii fikradaha hada la kala taagan yahay aan laga soo dabcin ay keeni karto inay burburaan oo go'aan laga qaato wadajirka Somalia.
Kulanka Sh. Shariif iyo Siilaanyo ayaa daba socda kulan ka dhacay duleedka London oo ay yeesheen 10-xubnood oo labada dhinac ka socday, shirkaasoo la sheegay inuu daah-fur u yahay shirar kale oo soo socda.
Xubnihii shirkaas ka qaybgalay ayaa waxay sheegeen in kulankooda uu ahaa mid ay aad ugu riyaaqeen, waxaase koox walba ay dhankeeda u sheegtay fikirkii ay horay u kala aaminsanaayeen ee kala ahaa kala go'a iyo midnimada Somalia.
Tani waxay noqaonaysaa markii ugu horeysay kadib 20-sano markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni go'eeda oo ay Somalia la fariisato, iyadoo kulamadan ay rajo weyn ka muujiyeen dalalka Midowga Yurub.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com