Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Shariif oo Axdiga ka saaray qodobo

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta 17 June,2012 soo saaray qoraal uu Axdiga KMG ah kaga saaray dhowr qodob oo uu sheegay inay ka horimaanayaan heshiiska Roadmap iyo heshiisyadii Garowe 1, Garowe 2, Gaalkacyo iyo Addis Ababa.

Sh. Shariif ayaa wareegtada uu soo saaray wuxuu ku baabi'iyay qodobada 11, 28, 33 iyo qodobka 34-aad, isagoo sheegay in qodobadan uu uga saaray Axdiga KMG si loo fuliyo heshiiskii Roadmap-ka iyo kuwii ka dambeeyay.

"Markii aan arkay inaysan qabsoomi karin kulamadii baarlamaanka iyo in dalku uu ku jiro xaalad adag ayaan go'aansaday in qodobadaan aan laalo" ayuu yiri Sh. Shariif oo sheegay inuu diidmada qodobadan u cuskanayo qodobo sharci ah.

Qodobada uu Madaxweynuhu diiday ayaa waxay quseeyaan Howlaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Ansixinta Dastuurka cusub, iyadoo Sh. Shariif uu sheegay in dastuurka ay Ansixin doonaan Ergooyinka ay soo xulayaan odayaaha dhaqanka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif ayaa wuxuu soo saaray wareegto kale oo uu ku dalbanayo in hantidii ay lahaayeen Marxuumiinta kala ah; Gen. Salaad Gabeyre Kadiye, Jen. Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Col. C/qaadir Dheel Cabdulle loo celiyo caruurtooda oo dhaxalka leh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangalayo maanta, isagoo xusay in la celiyo dhamaan hantida ay marxuumiintan lahaayeen oo ku taala gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Dowladii hore ee Somalia ayaa waxay la wareegtay hantidii ma guurtada ahayd ee ay xubnahan lahaayeen, kadib markii lagu helay isku-day afgami, iyadoo lagu xukumay xiligaas dil toogasho oo lagu fuliyay sanadkii 1972-kii.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Garowe: Doorka haweenka PL ee doorashada oo laga shiray
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us