Shariif oo amaanay ciidamada AMISOM 7 Aug 7, 2012 - 9:01:59 AM
Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ciidamada AMISOM ku amaanay guulaha laga gaaray dagaaladii Al-shabaab looga saaray Muqdisho, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan ciidamada Midowga Afirka.
Sh. Shariif ayaa hadalkan ka sheegay xaflad casho ah oo uu xalay ugu sameeyay saraakiisha DF iyo kuwa AMISOM Villa Somalia, wuxuuna carabka ku adkeeyay inaan guusha hada la haysto la gaari lahayn ciidamada AMISOM la'aantood.
"Dalkan wuxuu 21-kii sano ee lasoo dhaafay ka jiray faragelin shisheeye, waxaanse hubaan in ciidamada AMISOM ay intaas oo dhan ka duwan yihiin, naf iyo maalna ay u hureen sidii Muqdisho iyo degmooyin dhowr ah oo ku dhow looga xoreyn lahaa Al-shabaab" ayuu yiri Sh. Shariif.
Madaxweynaha Somalia, wuxuu sheegay in shacabka Somalida ay 95% taageersan yihiin ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, isagoo xusay inay taasi ku timid dadaalka dheeraad ah ee ay ku bixiyeen in Muqdisho la xoreeyo si ay shacabkii ka barakacay ugu soo laabtaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu sheegay in dowaldiisu ay dadaal badan u gashay sidii la isugu xiri lahaa Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM taasna guul laga gaaray, isagoo sheegay in guusha maanta la haysto ay sababtay isku xirnaashaha ciidamada dowlada iyo kuwa Midowga Afrika.
Sanadkii hore [August 06, 2011] ayaa waxay ahayd maalintii ay Al-shabaab isaga baxday Muqdisho, iyagoo sheegay inay xeeladihii dagaalka bedeleen, iyadoo xiligaas laga joogo hal sano ayaa waxaa weli Muqdisho ka dhacaya falal amaan daro oo ay geysanayaan dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Mudaaharaad lagu taageerayay maalintan ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay hadalo ka jeediyeen xubno uu ka mid yahay Sh. Shariif waxayna sheegeen inay guusha laga gaaray tahay mid sabab u noqotay in Somalia ay ka baxdo xiliga KMG ah.