Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Shariif oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in mas'uuliyad daro dhinaca amaanka ah uu ku dhacay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho, isagoo eedda dusha ka saaray Wasaarada Warfaafinta.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Hay'adaha Amaanka iyo Madaxda DF aan lagu soo wargelin xaflada, sidoo kalena si aan taxadar ahayn loo bixiyay Warqadihii Casuumada, taasna ay keentay in Al-Shabaab ay ka faa'iideystaan oo qorshahooda fuliyaan.

Qaraxii Tiyaatarka ayaa ahaa mid la doonayay in lagu dilo Ra'iisul wasaaraha Somalia balse wuu ka badbaaday, waxaase ku dhintay xubno Isboorti iyo dad kale oo goobta ku sugnaa, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo wasiiro DF ka tirsan.

"Waxay ila tahay Qaraxaas wuxuu ku yimid dayacaad ka timid dhinaca Wasaarada Wafaafinta iyo howsha oo aan sidii la rabay loo abaabulin" ayuu yiri Sh., Shariif oo intaas ku daray in baarista lagu ogaan doono sababta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Hay'adaha Amaanka aan lagu wargelin halka ay ka dhacayso xaflada. Sidoo kale wuxuu sheegay in iyagu ay weydiiyeen wasiirka in ajandaha xaflada uu soo gudbiyo si loo arko balse aysan taasi suurogal noqon.

"Markan oo kale waxaa la doonayaa in nafta dadka la casuumayo la badbaadiyo, ma ahan in xaflad la iska qabto iyadoo aan hay'adaha amaanka lagu wargelin, waayo tani waxay isoo xusuusisay Qaraxii ka dhacay Shaamo ee ay ku dhinteen wasiirada" ayuu yiri Sh. Shariif.

Gabgabadii ayuu Madaxweynuhu sheegay in Wasaarad walba oo dowlada ka tirsan lagula xisaabtami doono xafladaha ay qabanayso waxa ka dhaca hadii aysan ku wargelin hay'adaha amaanka xafladaas.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Muqdisho: Al-shabaab oo sheegtay weerarka UNDP
''Tirada Qaxootigu waa 7.6 Malyan''
Shirka waxbarashada dalka oo furmay


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏
MOGADISHU, Somalia June 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us