Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Shariif oo ka hadley ciidamo


Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa diiday in dalka Mareykanka uu faragelin ciidamo oo toos ah ku sameeyo dalka Somalia, laakiinse ay xukuumadiisu soo dhaweynayso taageero ciidan oo ay ka helaan Washington.

Sh. Shariif ayaa xusay in xukuumadiisa ay awood u leedahay inay la dagaalanto kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda, balse ay u baahan yihiin taageero ay ka helaan caalamka.

"Mareykanka waxaan ka codsanayaa inuusan fargelin ciidan oo toos ah ku sameyn Somalia, balse uu naga taageero dib u dhiska ciidanka iyo saanada" ayuu yiri Sh. Shariif oo xusay inuusan aqbalayn in dal shisheeye ah uu dalkiisa farageliyo.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo dalka ku jooga qaab nabadeed, ayna raali ka yihiin joogitaankooda, isagoo meesha ka saaray inay faragelin ciidan kusoo galeen dalka.

"Waxaan diyaarsanay ciidamo awood u leh inay dalka ka saaraan argagaxisada, waa taas mid aan u codsanayo inaan faragelin dalka lagu samayn" ayuu yiri Sh. Shariif oo xusay in dowladiisu ay ku haminayso inay dalka ka saarto mucaaradka diidan.

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa hadalkiisan kusoo beegay kadib markii todobaad ka hor uu Mareykanku sheegay inuu cirka ka duqeynayo goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab iyo Xisbul Islam oo dagaal kula jira DF.

Go'aankaan ayaa noqdey Mareykanku beeniyo maalmo kadib iyada oo markii hore laga maqlay sarakiil ka tirsan ciidamada Sheekh Shariif. 

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us