Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jul 27, 2010 - 8:42:25 AM
Wararka
Sharmake oo ka hadlay Galgala


Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ah ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Buuralayda Galgala kuna tilmaamay in ay ahayd mid lagu doonayey in lagu wiiqo nabada iyo xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland.

Ra'iisul Wasaare Sharmake ayaa ku tilmaamay arin la yaab leh qaabka ay u higsadeen in ay carqalado ka sameeyaan deegaano nabdoon oo ay u barakaceen dadkii ay ka cayrsadeen guryahooda ee koonfurta Dalka Somaliya wuxuuna sheegay in Puntland ay qaaday talaabo geesinimo leh oo ay ku suganayso amnigeeda.

"Waa muuqataa in ururkani uu u taagan yahay qaska dalka iyo dadka Somaliyeed ee aysan kutagalku ahayn fidinta diinta Islaamka anigoo u hadlaya dhamaan Golaha Xukuumada waxaan aad ugu faraxsan nahay jabka ay buuralayda Galgala kala kulmeen kooxahaasi waana talaabo tii ugu haboonayd oo ay qaadeen shacabka iyo dowlada mideysan ee Puntland.

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ah oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Arrintani maahan mid loo dulqaadan karo in kooxahani ay dhul nabdoon iska weeraraan wallow ay cawaaqib xumo kala kulmeen waxaanse Beesha Caalamka ka dalbanaynaa in ay gacan ka geysato ciribtirka kooxahani usoo jeestay xaalufinta goobaha yar ee wali ay nabad iyo maamulba uu ka jiro sida Puntland oo kale."

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay shacabka Reer Puntland in ay sugtaan nabadooda ayna la shaqeeyaan Dowlada si loo sugo amniga wada jirna looga hortago qas wadayaasha kusoo duulay Gobollada Puntland.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Sharmake oo ku sugan Nairobi
Ciidanka DFKMG oo gadood sameeyay
M. Shariif oo xilka ka qaadey taliyaha ciidanka xoogga

Advertisement
 

Puntland President Holding Key Meetings in Ethiopia [Press Release]

EDITORS PICK:

President Sharif fires military chief after missing weapons scandal
Somalia Sep 6, 2010 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us