Ra'iisul wasaaraha DFKMG Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu horkacayo ayaa socdaal shaqo ku jooga Magaalada Nairobi oo ay gaareen galinkii dambe ee shalay, waxaana lagu wadaa inay halkaas kula kulmaan xubno ka tirsan beesha caalamka.
Wafdiga Ra'iisul wasaaraha oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxay Axadii shalay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo aan saxaafada la hadlin, sidoo kalena lama oga mudada uu safarkoodu qaadanayo.
"Ra'iisul wasaare Sharma'arke, wuxuu kala hadlayaa xubnaha beesha caalamka ee uu kula kulmayo Nairobi xaaladaha amaan iyo mida siyaasada ee Somalia" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia Yuusuf Xasan Ibaahim (Yuusuf Dheeg) oo saxaafadda la hadlay.
Yuusuf Dheeg, wuxuu sheegay in wasiirrada IGAD ay berri shir ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi kaasoo ay uga hadli doonaan xaaladaha amaanka iyo mida siyaasadeed ee dalka Somalia.
Sharma'arke iyo wafdigiisa ayaan ka hadlin markii ay Muqdisho ka dhoofayeen qorshaha socdaalkooda, iyadoo socdaalkan uu imaanayo xili uu khilaaf siyaasadeed soo dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Sh. Shariif.
Villa Somalia ayaa waxaa maanta ka dhacay shir ay yeesheen Sh. Shariif iyo xubno xildhibaano ah oo taageersan, kuwaasoo ka hadlay sidii loo ridi lahaa dowlada uu horkacayo Sharma'arke, loona diidi lahaa dastuurka cusub.
Khilaafka xukuumada ayaa dibada u soo baxay, wixii ka dambeeyay [May 2010], markaasoo Madaxweyne Sh. Shariif uu ku dhawaaqay inuu shaqada ka eryay Ra'iisul wasaare Sharma'arke isaguna uu ku gacansayray.
Todobaadkan ay mar kale waxaa soo dhexgalay khilaaf ka dhashay dastuurka cusub iyagoo saxaafada iskala hadlay, iyadoo mas'uul walba uu difaacayo fikirkiisa gaarka ah.
GAROWE ONLINE