Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Sheekh Aadan Madobe oo xildhibanada maqan u yeeray


Gudomiyaha Barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Max'ed Nuur [Sh. Aadan Madobe] oo maanta kulan kula yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka Baydhabo ayaa baaq u diray xildhibaanada maqan.

Sh. Adan Madoobe, ayaa carabka ku dhuftay in xildhibaanada maqan laga doonayo inay dib ugu soo laabtaan xaruta baarlamaanka si looga doodo arimo xasaasi ah oo uu sheegay inay ka dhasheen khilaafka Yusuf iyo Nuur Cadde.

Mudanayaashii maanta ku kulmay Baydhabo oo tiradoodu ahayd 67-mudane ayaa ka dooday khilaafka cusub ee soo dhexgalay Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde.

"Xildhibaanada ka maqan xarunta baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa inay 23-ka bishaan ugu dambeyn dib ugu soo laabtaan dalka, si looga hadlo arimo xasaasi ah" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in laga doonayo in mudanayaashu ay buuxiyaan kooramka baarlamaanka, isla markaana ay kulanka uga horeeya ka doodi doonaan hadalada ay warbaahinta isku marsiiyeen Madaxda dalka.

Mar uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya Yuusuf iyo Nuur Cadde ayuu sheegay inay ogyihiin khilaafka heerka uu gaarsiisan yahay, uuna baarlamaanku si sharci ah uga doodi doono arintaas, isagoo xusay inaysan jirin cid uu baarlamaanku la safan doono.

"Ma jecli inaan hada ka hadlo cida gardaran labada mas'uul ee loolamaya, doodo adag kadib ayaan soo saari doonaan go'aan cad oo ay ummada Soomaaliyed ku faraxdo" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe.

Gudoomiyaha Baarlmaanka oo ka jawaabayay su'aal ay weydiisay BBC-da kuna saabsan sida ay suurogal ku noqon karto in la qaato go'aano uu baarlamaanku gaaray, iyadoo kuwo horay la ogaa halka ay mareen, ayaa yiri:

"Waa lagu qasban yahay in la qaato go'aan walba oo uu baarlamaanku soo saaro, waayo waa golihii sharcidajinta, tusaale waxaa kuugu filan go'aankii la diiday ee ay IGAD aqbashay".

Sh. Aadan Madoobe; wuxuu qiray in mudanayaashu ay kala fikir duwan yihiin oo aysan suurogal noqon karin inay hal hadaf isku raacaan, balse tiro ururin la sameyn doono.
 
Garowe Online, Baydhabo 

RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us