Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Shiikh C/qaadir oo lagu aasey Garowe

GAROWE ONLINE

Qabuuraha Galbeed ee magaalada Garowe ayaa galabta 16 February,2013 waxa lagu aasey Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo galabnimadii Jimcada lagu diley Garowe.

Kumanaan dad ah uu horkacayo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,Ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali ,Gudoomiyaha Barlamanka ,wasiiro ,Xildhibaano ,Shuyuukh ka kala timid gobollada dalka ,Aqoonyahano ,Dhalinayro ayaa aaska ka qaybgalay.

Wafdi ka socdey DF Somalia uu horkacayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Guuled ayna wehelinayeen wasiirka Maaliyada Qaranka iyo xildhibaano ka tirsan gollaha shacabka ayaa dhankooda Salaada Jinaasada ku tukaday.

Garoonka Olombikada Garowe oo ayaa dhowr kun oo qofi iskugu yimaadeen Salaada oo uu tujiyey Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ,waxana  ka dib goobta laga soo jeediyey khubaddo isugu jirey Taarikhdii Shiikha ,Canbaareynta cidii soo qorshaysey iyo weliba dardaaran iyo nasteexeen loo soo jeeshay kuwa weli ku jira falalka aragagixiso.

Shiikh Yuusuf Aadan oo 45 sanno ka badan ay saaxiibo dhow ahaayeen Shiikh Cabdiqaadir ayaa goobta isaga oo murugeysan ka so jeedshey taariikh nololeedkii Shiikha Alaha u naxariistee laga soo bilaabo xiligi ay isbarteen Jaamacada Madiina ee dalka Sucuudiga 1964.

Wadaado ay ka mid yihiin Shiikh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hayada Culimada Soomaliyeed ,ku xigeenkiisa Shiikh Nuur Baaruud ,Shiikh Daahir Aw-Cabdi Shiikh Axmed Cabdisamad iyo Shiikh Cabdinaasir ayaa si weyn u dhaleecey kooxda Al-shabaab ee ka danbeysey dilka Shiikha ,waxana ay sheegeen in boqolal Shiikha Cilmigiia bartey ay joogaan.

‘’Wadadii Khawaarijta ayay hayaan ,maxkamadihii bay ku dhex milnaayeen waana in dhamaan la iska kaashadaa sidii la iskaga qaban lahaa’’ Ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Cabdikariin Guuleed ayaa dhankiisa goobta ka soo jeediyey tacsi uu ka waday madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha DF Somalia oo ku aadan dilka Marxuumka,isagoona raacshay in Puntland iska kaashadan doonaan la-dagaalanka kooxda.

Halkan ka Daawo: Qaybta 1-aad Sawiradda Aaska Shiikh Cabdiqaadir

Halkan ka Daawo:
Qaybta 2-aad Sawiradda Aaska Shiikh Cabdiqaadir

Ugu danbeyntii ayaa hadalka waxa soo xirey Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey dhamaan cidii uu ka tagay Shiikhu geeridiisa naxdinta lahayd kadib.

‘’Xidig dhacay ayay la mid tahay geerida Shiikha ,waxaan ku kalsoonahayse in xidig kale noo soo baxayo ,meeshii ku haboonyed ayuu ku dhintey’’Ayuu yiri Madaxweynuhu oo raacshay hadalkiisa‘’Axmed Godane oo xukun doon ayaa diley Shiikh Cabdiqaadir ‘’.

Waxa uu soo jeedshay Madaxweynuhu dhalinyarada ku jirta falalka Al-shabaab weli inay ka soo baxaan oo ka soo laabtaan waxay wadaan islamarkaasina dib Bulshada ugu soo noqdaan.

Halkan ka dhageyso Dhamaan Codadkii laga jeedshay Aaska Shiikha


RELATED:
Khudbadihii laga jeedshay shirka waxbarashada dalka
AMISOM oo Raadaar dawayneysa
Warbixin burcad badeeda Afrika


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo
KISMAYO, Somalia Jun 18 2013 (Garowe Online)

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

Somalia: Gambol Secondary students hold colourful graduation ceremony

Jubaland: Kenya Defence Forces not supporting us

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us