Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Shil sababay dhimashada 5-qof


Ugu yaraan 5-qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, sida uu sheegay gudoomiyaha degmadaas Sh. Max'ed Haajir Axmed.

Shilka gaari oo ka dhacay meel waqooyi kaga beegan degmada Buurhakaba ayaa waxaa dadka ku dhintay la sheegay inay dhamaantood ahaayeen rakaabkii gaariga la socday, kuwaasoo ay dileen alaabooyin fara badan oo gaariga saarnaa.

"Gaarigan wuxuu shalay kasoo baxay Magaalada Muqdisho wuxuuna ku socday degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaa ku dhintay 5-qof oo rag ah, waxaana ku dhaawacmay 10-qof oo isugu jira rag iyo Dumar" ayuu yiri Sh. Max'ed Haajir.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ka dhashay ayaa waxaa ka qaaday halkii uu gaarigu ku rogmaday ciidamo ka tirsan Xisbul Islam oo kala geeyay Isbitaalo ku kala yaala Buurhakaba iyo Baydhabo si loo daweeyo, iyadoo la sheegay in dhaawacyada qaarkooda ay yihiin kuwo halis ah.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ee Ururka Xisbul Islam Sh. Max'ed Haajir,wuxuu u sababeeyay rogmashada gaariga markii uu ka baxay jidka, taasoo uu sheegay inay ku timid darawalka oo daalay maadaama uu socday mudduo 24-saac ku dhow.

Shilalka gaari ee ka dhaca degmada jidka dheer ee isku xira Gobolka Sh/hoose iyo Bay ayaa soo badanaya taasoo la sheegay inay xudun u tahay burbur xoogan oo ka muuqda jidka labadan gobol isku xira.

Horaantii bishan ayaa shil ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba waxaa ku dhintay ugu yaraan 3-qof oo rakaab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale, kadib markii gaarigii ay la socdeen uu si lama filaan ah wadada uga dhacay.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us