Shir Garowe uga socda Saxaafada 22 Nov 22, 2012 - 7:31:00 AM
Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxa maalinkii saddexaad ka socda shir looga hadlayo dhibaatada burcad badeeda ,hoos u dhicii ku yimid weeraradoodi iyo weliba sidi dhalinta looga wacyigelin lahaa ku biiritaankooda.
Ilaa 30 wariye oo ka socda warbaahinta Puntland ka hawlgasha ayaa ka qaybgalaya tababarkan ay soo qaban qaabisey dallada suxufiyiinta Puntland ee MAP oo kaashaneysa wasaarada Warfaafinta iyo waaxda la-dagaalanka burcad badeeda oo wadajir dhaqaalaha u siiineyso hayada UNODC.
UNODC ayaa barnaamijka la-dagaalanka burcad badeeda u qaabilsan Qaramada Midoobey ,waxana laga maarmaan loo arkey doorka saxaafadu ay ka qaadan karto yareynta dhibaatada burcad badeeda.
Intii uu socdo ayaa casharo waxa ka qaybgalayaasha siinayey khuburo ku xeel saxaafada,waxana sidoo kale ay iska caawinayaan dhaxdooda sidii warbixino iyo baaritaano looga sameyn sidii looga hortagi lahaa falalka amni darro.
Dhamaadka ayaa lagu wadaa in qodobo muhiim ah laga soo saaro kulankan ay qaybta ka yihiin badi suxufiyiinta ugu caansan Puntland.
GAROWE ONLINE