Shir ku soo dhamaadey Jabouti 9 Feb 9, 2013 - 1:48:27 AM
Magaalada Jabouti ee xarunta dalka Jabouti ayaa lagu soo gabogabeeyey shir ka socdey saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kaasi oo soo qaban qaabisey Midowga Yurub.
DF Somalia ayaa waxa ka socdey saddex xubnood uu hogaaminayey Admiral Siciid Aadan Yusuf ku xigeenka taliyaha ciidanka badda iyo shan xubnood oo ka socdey Dowladda Puntland uuna horkacayey wasiiru dowlaha amaanka Col.Cabdulaahi Jaamac ,waxanay Jabouti kula kulmeen madaxa EUCAP-NESTOR Admiral Jacques Launay.
Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii xiriir looga dhex samayn lahaa EU iyo Somalida sidii ay uga hadli lahaayeen baahiyahooda iyo Mustaqbalka Amaanka badaha Somalia iyo guud ahaan gobolka.
Waxa la iskula soo qaadey dhowrista madaxbanaanida iyo xuuduudaha badeed ee Somalia si loo balanqaado xasilooni adag oo waarta mustaqbalka Somalia.
Eu waxay balanqaadey inay tababar iyo taageero u fidiso Ciidamada badda ,kuwa amaanka iyo Garoorka kadib codsi uga yimid DF Somalia iyo Dowladda Puntland.