Hoolka shirarka barlamanka Puntland ayaa waxa si habsami ah uga socda shirweynaha ansixinta dastuurka Puntland oo shalay ka furmey halkaasi.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa saxaafadda kula hadlay isla hoolka xilligii uu galabta soo dhamaaday shirku,wuxuuna sheegay in shirku si fiican u socdo ergooyinkana loo akhririyey qodobo badan afkaarana la iswaydaarsay.
Barre ayaa xusay inaysan jirin wax caqabada oo ka hortimid,wuxuuna sheegay inuu shirka afti u qaadistu uu soo xidhmayo waqtiagay u qondeeyeen.
Gudoomiyaha gudddiga doorahsada ayaa sheegay in marka uu soo dhamaato afti u qaadista Dastuurka,ay bilaamayaan ila hirgeliyo shuruucdii la asaasi lahaa ururada siyaasadeed,isagoo xusay inay halwalaha dambe oo dhan ay furfurmayaan mara ay soo dhamaato hawsha dastuurka.
Maalinka Arbaca 18,April 2012 ayaa lagu wadaa inuu soo xirmo shirweynaha taarikhiga u ah umadda reer Puntland islamarkaasina lagu dhawaaqi doono hirgelintiisa.
Halkan ka dhageyso codka Dr.Maxamed Xasan Barre Gudoomiyaha TPEC