Qarax ka dhacay Muqdisho 27 Jul 27, 2012 - 4:40:12 AM
GAROWE ONLINE
Ergada ka qaybgalaysa shirka Dastuurka ee Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey xaalada amaan ee magaalada kadib qarax xoogan oo maanta 27 July,2012 ka dhacay meel wax yar u jirta goobta shirku ka socdey ee Iskuulka Booliska.
Ilaa iyo hadda ma jirto war ka soo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan khasaaraha Qaraxani geystey balse waxa la sheegey in uu hakad galay shirku maanta oo ergada laga codsadey inay dib ugu laabtaan goobihii degenaanshaha ay ka soo kaceen.
Axmed Yaasiin Warsame oo kamida ergada Puntland ee Shirka Dastuurka oo u waramay Idaacada Radio Garowe ayaa ka sheekeynaya qaraxan saaka dhacay ka hor intaysan shirka gelin waxana uu guud ahaan dul marayaa shirka maanta waxa lagu balansanaa iyo halka uu marayey.
Shaki ayuu ka muujinayaa Axmed Yaasin habsami u socodka shirweynaha ansixinta dastuurka sida uu u sheegey idaacada Garowe oo ugu horeysey xaalada amaan isagoona cadeeyey in ergadu isku qaybiyeen hoteelada magaalada islamarkaasina iskood u yimaada shirka iyagoon ilaalo kaxeynin.
Amaanka Muqdisho ayaa waayadan danbe oo dhan waxa ku hawlnaa laamaha amaanka Qaranka waxana masuuliyiinta DF ay in badan ku soo celcelinayeen in Muqdisho tahay amaan islamarkaasina ay suuroobi karto inay martigeliso shirweynaha dastuurka Somalia oo ay ka qayb qaadanayaan ergo gaareysa 825 xubnood.
Halkan ka dhageyso Axmed Yaasiin oo u waramaya Aadan Xaaji Sooyal