Shirkadda Golis oo is-balaarisey 17 Nov 17, 2012 - 5:39:28 AM
GAROWE ONLINE
Maamulka shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa sheegay in balaarin iyo casriyayn ay ku sameeyeen adeegyadda Isgaarsiineed ee ay siiyaan dadweynaha,ka dib War-saxaafadeed ay maanta 17 November,2012 ay ku qabteen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Warsaxaafadeedka oo ay si wada jir ah uga hadleen Maareeyaha shirkadda Golis Cali Xaaji Warsame iyo Madaxa suuq-gaynta ee shirkadda ayay ka sheegeen in sabbabta ka dambaysa in ay sameeyaan kobcinta adeegyadda ay bixiyan ay salka ku hayso,ka dib markii ay sii kordheen dadka adeegsadda shirkadda.
Warsaxaafadeedka Golis ayaa u qornaa sida;-
Shirkadda Golis waxay in mudo ah ku guda jirtay hawlo balaaran oo ay ka waday adeegyada kala duwan oo ay bulshada u hayso , waxaana ay ka gaadhay guulo wax ku ool ah , wax qabadkeedii u dambeeyeyna waxaa ka mid ah :
• Shirkaddu waxay ku hawlanayd inay balaadhiso qalabka iyo shabakada ay isticmaalaan macaamiisha tirabadan ee GSM-ku waxaana hadda gabagabo maraya mashruucii waasicinta ee magaalada Bosaso , iyadoo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe hadda laga bilaabay mashruucaas
• Waxaa la waasiciyay isla markaana casriyayn lagu sameeyey adeegga SAHAl , iyadoo sidoo kalena la hirgeliyay habraacyo (procedures) iyo barnaamijyo wax badan ka taraya nidaamka iyo isticmaalka adeega SAHAL .
• Waxaan gacanta ku haynaa oo dhowaan hirgeli doona in nambarada shirkaddu ay noqdaan 7 nambar ,taasoo aan u yeelnay danta macaamiisha iyo tan shirkadda .
•Waxaa la dhamaystiray adeegga GPRS-ka (Internet Mobile) oo ay isticmaali karaan halkii mar macaamiil aad u fara badan lagana heli karo miyi iyo magaaloba meel kasta oo uu ka shaqeeyo adeegga Golis.
•Waxaa la suurtageliyay in macaamiishu ka gadan karaan baranjiyada iyo agent-yada xadiga ay awoodaan sida 10 sent keliya , taasoo fududaynaysa in macaamiishu ku shubtaan mobilada si waafaqsan awoodooda dhaqaale.
•Waxaa la suurta geliyay in 10% promotion-ka ahaa oo awal macaamiisha ugu dhici jiray ACC-ka hoose ee local-ka inay hadda ku isticmaali karaan dal iyo dibadba.
•Waxa la balaariayay adeegga kunaso iyadoo lagu soo kordhiyay codad badan oo macaamiishu xiisaynayso.
•Macaamiisha postpaid-ka ah waxaan u suurta gelinay inay hadda kadib biilashooda kala socdaan mobilka gacanta , arintaas oo hirgeli doonta laga bilaabo 01/12/2012
Macaamiisha sharafta leh waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay ugu dulqaataan xiliyada ay dhici karto in shabakadu buuxsanto ,maadaama uu jiro koror joogto ah oo aad u badan oo ku soobiiraya adeegsiga mobilka Golis.
Waxaan ku faraxsanahay macaamiishayada sharafta leh inay fahmeen ayna ku qanceen halku dhegii ahaa “isgaarsiini waa Golis” waxaanuna balanqaadaynaa inaan si joogto ah u horumarino tayada iyo waasacnimada teknoolojiyada aan gacanta kuhayno.
Ugu dambayn waxaan rajaynaynaa inaad ku raaxaysataan isticmaalka adeegyada kala duwan ee shirkaddu idiin diyaarisay.