Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Garowe: NEC oo xarun 2ad ka furtey


Xaflad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin ka kala socotay maamul goboleedka Puntland, Isimada, Ganacsato iyo waxgarad kale ayaa galabta ka dhacday xarunta shirkadda korontada NEC ee magaalada Garoowe, xafladaasi oo aheyd mid xariga looga jarayey xarun cusub oo shirkadda korontada NEC ay ka furmay magaaladan.

Ugu horeyntii waxaa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha shirkadda korontada NEC C/fitaax Maxamed Cabdi (C.Kismaayo) oo warbixin dheer halkaasi ka soo jeediyay, wuxuuna halkaasi ka akhriyay khudbad ka hadleysay waxqabadka shirkadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo sheegay in shirkadda NEC ay tahay shirkad ganacsi oo ay ku mideysan yihiin ganacsato fara badan.

Guddoomiyaha shirkadda NEC C/fitaax Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda NEC maal gelinteeda iney leeyihiin dadka reer Puntland iyadoo markii hore ay ku abuurantay ilaa iyo sadax shirkadooda oo ku midoobay, wuxuuna intaa raaciyay in daarasad la sameeyay lagu soo bandhigay in dhaqaale gaaraya hal bilyan oo dollar ay u baahan tahay shirkadda, lacagtaasoo la helay markii ay shirkaddu ku soo biireen ganacsato kale taasoo sababtay in heerkan ay timaado.

C/fitaax Kismayo ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in qorshaha shirkada ee horumarinta korontada ayuu sheegay in Golaha milkiilayaasha shirkadda NEC ay isku raaceen in laga faa'iideysto hawada iyo qoraxda, iyadoo taasi ay kala kaashanayaan qubaro dalalka deriska nala ah ka imaanaya, wuxuuna mas'uulkan uu intaa raaciyay in dhaqaalaha shirkadda ay ku tiirsan tahay ay ka helaan inta badan macaamiisheeda, waxayna dowladda Puntland aan ka helnaa buu yiri 50 fuusto, halka habeenkii matoorada shirkadda ay isticmaasho ay ku baxaan lix fuusto, tirada guud ee bisha ay isticmaaleyso shirkaddana uu ku sheegay Guddoomiyaheeda 130 fuusto.

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland Gen. Cadde Muse Xersi oo lagu casumay inuu xariga ka jaro xaruntasi cusub ee shirkada NEC ka furtay Garowe ayaa soo dhoweeyay isagoo sheegay in shaqada shirkadaasi qabatay ay tahay mid cad oo aan u baahneyn caddeyn, wuxuna intaa uu raaciyay Madaxweynaha in shirkadda NEC ay tahay shirkad dabooshay baahida koronto ee ka jirta magaalada.

Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kaloo uu sheegay in kan maamul ahaan ay maalmahan ku mashquulsanaayeen sidii loo dhiiri gelin lahaa maamulka shirkadda NEC isagoo ugu mahad celiyay maamulka shirkadda iyo ganacsatadii hal abuurka lahaa howsha ay shacabka u hayaan.

Mar uu ka hadlayey dhaqaalaha shirkadda ayuu wuxuu sheegay in shirkadda NEC looga baahan yahay in ay lacagaha ka qaato xarumaha dowlada, wuxuna ku wargeliyay shirkadda in Wasaaraddaha iyo xarumaha dowladda ee bixin waaya lacagaha ay isticmaalaan laga gooyo, taasoo ah kabida dhaqaalaha shirkadda.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed, Eng. Abshir Muuse oo madax ka ah shirkadda shidaalka Baswiin iyo mas'uuliyiin kale oo oo si weyn u soo dhoweeyay xarunta labaad ee shirkadda NEC oo laga furo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirkada korontada NEC waxaa la aasasay sanadkii 2002, waxana ku mideysan shirkado kale oo isu tegay, waxaana shirkadda hada lagu soo kordhiyay xarun cusub taasoo dabooli doonta baahida ay shacabka ku nool magalada Garoowe oo inta badan nolosha dadka ku nool ay ku tiirsan tahay hadba sida ay u helaan koronto tayo leh.

Radio Garowe,Garowe

RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us