Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM
Wararka
Jabuuti oo heshiis lagu kala saxixday


Shirkii uga socday Mucaaradka iyo DF dalka Jabuuti ayaa xalay [Aug 18, 2008] la soo gabagabeeyay waxaana lagu kala saxiixday heshiis ka kooban 11-qof, iyadoo dhinacyadu ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah loo shaqeeyo.

Dhinacyadan ayaa waxay sameysteen gudiyo siyaasadeed iyo kuwo amaan iyadoo guddi walba uu ka kooban yahay 9-xubnood oo labada dhinac ah, qodobada ay ku heshiiyeena waxaa ka mid ah:

1. In la iska ilaaliyo wax walba oo carqaladeyn kara heshiiskan
2. In dhinacyadu ay si wadajir ah uga shaqeeyan amaanka iyo siyaasada
3. Inay howlahooda si wadajir ah uga bilaabaan gudah Somalia
4. In la joojiyo dagaalada, dilka, dhaca, kufsiga iyo dhibaateynta kale
5. In shirar kuwaan oo kale ah lagu qabto gudaha iyo dibada
6. In dadkii barokacay dib loogu celiyo guryahooda iyo qodobo kale

Gudiyadan ayaa waxaa kala hogaaminaya Axmed C/salaan iyo C/raxmaan C/shakuur, waxayna laboodu la hadleen saxaafada marka uu shirkooda soo gabgaboobay, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiisyada la gaaray.

Axmed C/salan ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhaqangelinta qodobada la isku afgaratay, isagoo xusay inay kaga mahadcelinayaan heshiiskaan UN-ka, gaar ahaan wakiilkooda Somalia.

C/raxmaan C/shakuur oo isaguna hadlay ayaa sheegay in qodobada heshiiska ay ka mid tahay in 15-maalmood ciidamada Ethiopia looga saaro xaafadaha gudahood, dibna ay ugu laabtaan shacabku guryahooda.

Arintaan ayuu Axmed C/salaan ku gacan-sayray, wuxuuna sheegay inuusan isagu ogeyn meel 15-maalmood loogu qabtay ciidamada Ethiopia inay kaga baxaan xaafadaha Muqdisho.

Wakiilka UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu farxsan yahay heshiiska uuna soo dhaweynayo, isagoo tilmaamay in dhaqangelintooda loo sarokacayo.

Xaamud Cabdi Suldan oo ah wasiirka Diinta iyo owqaafta Jabuuti oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa tilmaamay in shirkan uu yahay mid wanaagsan, balse looga baahan yahay Somalida inay fuliyaan qodobada la gaaray.

"Dhaqtar baa la yiri; maxaad ugu jeceshahay calaamka, markasuu yiri: dawadii aan qoro oo qofku ku raysto, marka Jabuuti waxay doonaysaa heshiiska dalkeeda lagu gaaray inuu noqdo mid lagu najaxo" ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo owqaafta Jabuuti.

Heshiisyadii lagu gaaray dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in si wadarji ah loogu saxiixo dalka Saudi Arabia, sida ay sheegeen xubnaha DF iyo mucaaradka ee heshiisyada gaaray.
 
Garowe Online, Muqdisho

RELATED:
Ciyarihii Gobollada oo ka furmay Garowe
R.Resource oo lagu xiriiriyey Burcada
Yusuf oo la kulmay Al-bashiir

Advertisement
  Click here to find the right student loan for you!

Puntland offers up a Range of possibilities

EDITORS PICK:

Islamists threaten attack if Kenya deploys troops
KISMAYO, Somalia Nov 20 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us