|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Jul 16, 2008 - 10:41:23 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Shirkii Jabuuti oo soo xirmay
16 May 16, 2008 - 8:56:49 AM
|
Shirkii dhawaanahan uga socday dalka Jabuuti DF, QM iyo qaar ka tirsan mucaaradka fadhigiisu yahay Asmara ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay iyadoo aysan jirin wax qodobbo ah oo ay dhinacyadu saxiixeen.
Ergayga UN-ka ee arrimaha Somalia oo shirkaan qabanqaabiye ka ahaa oo shir jaraa'id ku qabteen garoonka diyaaradaha ee dalka Jabuuti intii uusan duulin ayaa sheegay in qodobbo dhowr ah ay shirka kasoo baxeen.
Ahmadou Ould-Abdalla ayaa u sheegay warfidiyen ku sugnaa garoonka Jabuti in shirka uu si rasmi ah u soo gabagaboobay ayna guulo ka gareen, isagoo xusay in dhinacyadu aysan ku guulaysan inay is-horfariistaan, balse ay siyaabo kala duwan u kulmeen.
Wuxu sheegay in shirka lagu gaaray qodobo ay ka mid yihiin: In dhinacyada isku haya Somalia ay ka shaqeeyaan sidii dadka baahan ee xaaladaha aadamnimo ay haystaan loo gaarsiin lahaa gargaarka uu caalamku ugu talagalay.
In dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii mashaakilka ka taagan Somalia loogu dhameyn lahaa wadahadal iyo is-faham. loona joojin lahaa dagaallada iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.
In dhinacyadu ay ku dadaalaan inay isku tanaasulaan, lagana hadlo sidii ciidamada ku sugan Somalia looga saari lahaa looguna badali lahaa kuwo caalami ah oo ka socda Qarammada Midoobay iyo qodobbo kale.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhinacyadu aysan saxiixin qodobbada, inkastoo ergayga gaarka ee UN-kana uusan sheegin xilliga la saxiixi doono qodobbada maanta soo baxay, isagoo xusay in shir kale la isugu soo laaban doono 31-ka bishaan, kaasoo ka dhici doona isla Dalka Jabuuti.
Ergooyinkii UN-ka ee uu hogaaminayay Ould-Abdalla ayaa isaga duulay Jabuuti iyagoo ku laabtay dalka Kenya, halka ergooyinkii Dowladda ay iyaguna dib ugu soo noqdeen Muqdisho, balse waxaa weli ku sugan dalka Jabuuti Ergooyinkii Isbahaysiga Asmara.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay ku sugan yihiin dalka Jabuuti iyagoo la jooga ergagoodii, waxaana la sheegay inay ku sugnaan doonaan Jabuuti tan iyo 31-ka bishaan oo dib la isugu soo laabanayo.
Garowe Online, Jabuuti
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|