Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Shirweynaha Midnimo oo furmey Garowe

GAROWE ONLINE

Hoolka Shirarka Jaamacadda PSU ee magalada Garoowe waxaa maanta 02 Febryary,2013 ka furmay shirwaynaha Urur siyaasadeedka Midnimo,waxaana kasoo qayb galay Ergooyin kor u dhaafayay 200-oo qof kuwaasoo ka kala yimi shanta gobal ee ururku xafiisyadda ku lee yihiin,Asaasayaasha Ururka,xildhibaano,qurbajoog iyo dhalinyarada gabdho iyo wiilal iskugu jira.

Muuqaalka Ergooyinkii kasoo qayb galay shirka ayaa waxaa ka muuqatay teegaarada ay u hayeen Ururka Midnimo oo ay dhidhibada u aaseen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo isku bahaystay sidii horumar waara loo gaarsiin lahaa shacabka Puntland,

Bilwogii kulanka waxaa furay oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Gen-Cali Ismaaciil oo ah gudoomiye ku xigeeka kmg-ka ah ee Midnimo,wuxuna ka sheekeeyay himilooyinka fog ee ururka iyo sida looga baahan yahay shacabka Puntland inay uga faa'iidaystaan khayraadka kala duwan ee Alle ku banaystay dhulka Uduga.

Sidoo kale shirka waxaa ka hadlay wakiillo matalayay Ergooyinka Gobaladda kasoo socdaalay,waxayna tilmaameen dhamaantood ururka Midnimo inuu taageero balaaran uu ku lee yahay Puntland,isla markasna laga doonaya inuu isbadal dhab ah shacabka gaarsiiyo,waxana khudbado dhankoodda kasoo jeediyay Arday dhigata jaamacaddo ku yaala Dalalka China ,Malaysiya iyo Hindiya waxayna sheegeen inay xanbaarsan yihiin fariimo taageero ah oo ka timi ardayda dalalkaasi wax ka barata.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo sidoo kale shirwaynaha Midnimo ka hadlay,ayaa soo dhaweeyay himilooyinka ay soo bandhigeen madaxda ururkaasi,waxayse ku baaqeen inay isbadal dhab ah ay la yimaadaan si ay u kasbadaan taageerayaal badan oo doonaya inay horumar gaaraan.


Inkastoo shirka Ururka Midnimo uu soo xirmi doona maalinka barito ah,ayaa hadana waxaa lagu wadaa maanta in lagu ansixiyo xeerka ururka oo  galinkiisa danbe ansixintu ay dhici doonto,waxana dadka loo qaybiyay nuqulo ka mid ah sharciga ururka iyo tilaabooyinka uu tiigsanayo.

Asaasayasha ururka Midnimo ayaa si qoto dheer uga hadlay Maba'dida ururku uu tiigsanayo iyo tiloobooyinka ugu horeeya ee shacabka loo qabanayo.


Dr.Saadiq Eenow oo ah Gudoomiyaha KMG-ah ee urur siyaasadeedka Midnimo ayaa goobta shirka kasoo jeediyay khudbadiisii ugu horaysay ee ururka,wuxuna ka hadlay qodobo taariikhi ah taabanaya xaalada dalka Soomaaliya ka taagan,sidoo kale Eenow waxa uu masuuliyiintii shirka kasoo qayb galay ka Jaahil bixiyay hadafka ururka loo yagleelay iyo danta laga leeyahay inuu gaarsiyo shacabka.

Wuxuna sheegay Ururka Midnimo inuu yahay isbadal doon horumar balaaranna gaarsiinaya shacabka,wuxuna aad ugu dheeraaday muujinta codka dadka aan awooda badan lahayn ee aan horay uga soo dhex muuqan jirin dowladihii hore,Mamul usamaynta Jubooyinka ayuu sheegay inay tahay arin uu ururku taageersan yahay soo dhawayna mudan.

Khudbada Dr.Saadiq Eenow oo qaadatay mudo halsaac ay ayaa waxay u muuqatay mid ka turjumaysa aragtida dadka ku midobay Asaaska ururka,wuxuna sheegay Gollaha aqooneed inay yihiin oo dhexda u xirtay samata bixinta shacabka iyo gaarsiinta adeegyada dhulalka ka baxsan laamiga.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in uu soo xirmo shirweynaha Urur siyaasadeedku islamarkaasina ay doortaan Ergadu Gudoomiyaha rasmiga ah ee Ururka Midnimo.























Halkan ka dhageyso Khudbadda Dr.Saadiq Eenow uu ka jeedshey Shirka


RELATED:
Sunta Beeraha oo PL laga digay
Doorashada Jubaland oo lagu taageeray kulan Bossaso
Saacid oo la kulmay Ergayga AU


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote
MOGADISHU, Somalia May 22, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us