Wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka 29 Jan 29, 2013 - 6:53:28 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta Radio Garowe ayaa maanta 29 January,2013 lagu qabtey dood ku saabsan qaabka booliska iyo shacabka iska kaashan karaan ka shaqaynta amniga caasumada iyo garab isi
siinta arimaha la xariiro falalka amniga lidka ku ah ee dhaca.
Dood arinkaasi ku saabsan ayaa waxaa ka qayb qaatay Taliyaha
Saldhiga dhexe magaalada Garoowe Dhame. Aadan Muuse
Jaamac,Col,Cabdilaahi Nuune oo ka tirsan ciidanka daraawiishta,Xaawo
Maxamad oo ka mid ah Haweenka Garoowe iyo waliba Gudoomiyaha kaamka
barakacayaasha Shabelle Maxamad Cabdiqani.
Ka qaybgalataasha Barnaamijka Dooda oo ku sugan Radio Garowe
Dhamaan ka qayb galayaasha ay isla gorfeeyay halka uu ka
jiro mad madowka wada shaqayneed,waxayna gabo gabada doodaan ku
muujiyeen in loo baahan yahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa wacyi
galinta shacabka si ay joogto u noqoto wada shaqaynta laamaha amniga iyo
shacabka.
Halkan ka dhageyso ka dhageyso Dooda uu wada Cali Fantastic