Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Sidee looga Ciidey Garowe maanta

GAROWE ONLINE

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 19 August,2012 kumanaan dadweyne kula tukadey Salaada Ciida garoonka kubadda cagta magaalada Garowe ee Mire Awaare.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,wasiirada xukuumadda ,mudanyaasha aqalka wakiilada ,odayaasha dhaqanka ,qurbajoog ,aqoonyahano ,culimo iyo kumanaan kale oo dadweyne ah isuguna jirey dhalinyaro ,haween yar yar iyo duqeyba iska leh ayaa si wadajir ah ugu tukadey Mire Awaare.

Ka hor Salaada Ciida ayaa khubado kooban madasha laga soo jeediyey oo Culimadu door ku lahayd bilowgii islamarkaasinay ka shekeeyeen fadliga ay lahayd Bishii Ramadan aynu soo dhaagney iyagoona Alle uga baryeyey in Soonka uu ka aqbalo dhamaan umadda Islaamka ah.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa dhankiisa u duceeyey umadda in ilaahay nabada iyo xasiloonida u xoojiyo waxana uu ku booriyey dadka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka nabadgelyadiisa loo xaqiijin lahaa.

Islaanku Somalia waxa uu sheegey in maanta ay mareyso xaalad adag oo u baahan in la iska kaashado sidii wadajir looga gudbi lahaa is loo gaaro dowaldnimada aynu tiigsaneyno.

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha diinta Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa isna kalamado kooban ka yiri meesha waxana uu xooga saarey amaanka iyo dhamaan dhinacyadu iska gacan qabtaan xoojintiisa.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole ayaa lagu soo dhaweyey oo u hanbaleyey dadweynaha munaasabada Ciida awgeed ,waxana uu soo qaatey arrimo dhowr ah oo kamid ahayd Amaanka ,Dhaqaalaaha iyo weliba halka ay mareyso hawsha geedi socodka nabada Somalia.

Amaanka ayuu ku celiyey madaxweynuhu in saameyn ku yeeshey barakacii koonfur Al-shabaab looga saarey fariisimo badan isagoona meesha aan ka saarin in dilalka qorshaysani yihiin qorshe argagixiso oo u siyaasadeysan qaab qabiil.

Madaxweynuhu waxa uu qirey mar kale in dhaqaalaha Puntland hoos u dhac ku yimid iyadoona ay dhacdey in shilinkii Somaliga la waayo islamarkaasina Doolarku uu ku bato suuqyada.

Waxa uu sheegey in lacago la soo sameynayo oo ka dhaqan galaya dalka marki ay dhalato dowladda Soomaaliyeed ee haatan hawsheedu socoto isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in dhibaatada dhaqaale ay ku tagi doonto imaatinka lacagahaasi.

Ganacsatada ayuu raaciyey inasan bixin cashuuraha iyo dadka guud ahaan si loogu shaqeeyo waaxyaha kala duwan ee dowladda waxana uu tibaaxey Dr.Farole in canshuurta lacagta ay dadku ku bixiyaan dib ugu soo laabaneyso oo faa’ido u noqoneyso sida amaankooda oo laga shaqeeyo.

Xulista mudanayaasha Barlamanka Somalia iyo faragelin iyo cabsi gelin lagu hayo xubanah guddiga farsamo ee xulista xubnaha ayuu soo qaatey isagoona cadeeyey inay jiraan dad ka soo horjeeda nidaamka Federaalka oo jagooyin sar sare dalka tartan ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen.

DAAWO:Khubadda Madaxweynaha Puntland ee Ciida Garowe 19 08 2012

Wadooyinka waawey ee magaalada Garowe ayaa dadweyne faro badan iyo gaadiid lagu arkayey iyadoona la is weydaarsanayey ‘’Ciid Wanaagsan’’ ‘’Ciid Mubaarak’’,waxana sidoo kale jirey caruur iyana si qurxoon loogu labisey kuna watey gacmaha qalabka kala duwan ee ciida ku ciyaaraan.

Bahda Garowe Online Umadda Somaliyeed ayay ugu tahniyadeyneysaa Ciida Barakeysan waxana alle uga rajeyneynaa sanadkan sanadkiisa inaan ku gaarno Nabad ,Guul iyo Somalia oo mid ah.

Halkan ka daawo sawiradda sida looga ciidey Garowe Maanta

Qaybta 1aad Sawiradda Ciida Garowe
Qaybta 2aad Sawiradda Ciida Garowe
Qaybta 3aad Sawiradda Ciida Garowe

Halkan ka dhageyso khudbadda Madaxweynaha Puntland ee Ciida


RELATED:
AU-da oo lagu xusay Muqdisho
Banaanbax DF lagu taageeray
Garowe: Dil lagu xakumay ragii dilay Shiikh C/qaadir


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers
GAROWE, Somalia May 23, 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us