|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
''Somalia waxay u jeeda dhanka nabada & xasiloonida''
22 Feb 22, 2012 - 8:04:14 AM
|
Raysal wasaaraha DF Somalia Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 22, Feb 2012 in dalkiisu galayo qayb cusub oo nabadgelyo iyo xasilooni leh kadib 20 sanno oo dagaaal iyo nidaam radi laso dhex-dabaalanayay.
Isaga oo ka hadlaya London halkaasi oo lagu wado inuu beri ka furmo shir caalami ah oo dunida dalalka ugu tunka wayn isugu imanayan sidi loo xalin lahaa dhibaatada ka tagaan Somalia ayuu rajo wanaagsan ka muujiyey shirka beri furmaya.
‘’Waxaa jira horumar balaaran oo laga sameeyey dhinaca amaanka,waxaan horey uga dhaqaaqeynaa xiligii Dagaal-oogayaasha ,Argagixisada ,xagjirnimada iyo burcad badeednimada ,waxana u jeedna dhanka nabada ,xasiloonida iyo nolosha dabiiciga ah’’ ayuu yiri Dr.Gaas oo la hadlayay idaacada BBC-da.
‘’20-sanno oo dagaal iyo nidaam daro lagu jirey waxaa filayaa inay Somalid aku filantahay sidii ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen ,waxaan ka daalnay inaan dalaanahay o xanuunsanahay’’ ayuu raaciyey hadalksii raysal wasaare Gaas.
Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton iyo xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka mid ka qaybgalayaasha shirka London ee berito,waxana ujeedku yahay sidii loo mideyn lahaa dadaalada caalamka ee soo-afjarida colaada Somalia.
‘’Inkastoo aan u bahaanahay wakhti si aan u gaarno heerkii noloshu joogtey ka hor intaysan burburin dawladii Somalia ,balse si tartiib ah ayaay u soo wanaagsanaaneysaa xaaladu’’ ayuu yiri Dr.Gaas.
Waxa uu sheegay raysal wasaaruhu in Somalidu yihiin dad hal abuur leh ,hadii ay helaan amniga iyo nolol dabiici ah oo yar inay mar labaad ku laaban doonaan shaqadii,waxana uu dalbadey ‘’ "Marshall Plan’’ oo ah kaalmooyin aad u farabadan sida tan Maraykanku siiyo Yurub kadib dagaalkii Labaad ee Dunida.
Ugu danbeyntii ayaa mahad gaar usoo jeediyey dhigiisa Britain David Cameron oo uu ku tilmaamey nin Somalia Saaxiib la ah islamarkaasin ku adkeeyey hadalkiisa in shirka ay ka filayaan wax-badan inay ka soo baxaan.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|