From Garoweonline.com

Wararka
Somaliland: Doorasho dib loo dhigey
By
Aug 31, 2010 - 6:17:58 AM

Kulan ka dhacey xarunta Madaxtooyada Maamulka Somaliland ee Magalada Hargeysa ayaa dib loogu dhigey doorashada Golaha guurtida Somaliland in aysan qabsoomi karin waqtigii loogu talo galey, sababo aan si rasmi loo shaacin aw-geed.
 
Waxaana ka qayb-galey kulanka dib loogu dhigey doorashada guurtida Somaliland Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamud (Siilaanyo) Madaxweyne ku xigeenkiisa & Xubno ka socdey Guddiga doorashada golaha Guurtida Maamulka Somaliland.

Wariyaha RG/GO ee magaalada Hargeysa Maxamed Jamaal oo Idaacada uga waramey najiitadii kulanka ee saxaafada loo soo gudbiyey ayaa sharaxad kooban ka bixiyey sababaha kalifey in dib loo dhigo doorashada golaha guurtida Somaliland.

Dhegeyso Wariye Maxamed Jamal oo jooga Hargeysa oo uu wareysanayo Wariye C/qani Irbad .




http://www.garoweonline.com