Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
SL oo ka qayb galaya shirka London


Mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhi-wada jir ah oo ay maanta yeesheen 5 Feb,2012 cod aqlabiyada ah ku ansixiyay in xukuumadda lagu taageero in laga qayb galo shirka Somaliya loogu qabanayo dalka Ingiriiska iyo wax laga bedelo golohu horey ugu diidey in gabi ahaanba Somaliland ka qayb gasho shirarka Somalida.

Fadhigaan ayaa waxaa guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiraxman Maxamed Cabdulahi Cirro, waxaana soo xaadirey 109 mudane oo ka mid ah 164 ee golayaasha guurtida iyo wakiiladda Somaliland, ka hor intii aan cod loo qaadin  labadaasi qodob waxa khudbad ka hor jeediyay Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdulahi Cumar, kaasoo ka waramay faa’idada Somaliland ugu jirta inay shirkaasi ka qayb gasho.
 
Khudbada Wasiirka kadib guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa mudanayaasha ka codsaday inay cod u qaadaan labada qodob ee la soo hordhigay, waxaanu yidhi “mudanayaal waxaad ogtihiin in Madaxweynuhu shalay labada gole hor yimi oo uu u xog-waramay, maantana waxa yimi Wasiirka arrimaha Dibadda oo isna labada gole siiyay xog waran, waxaanu inagu war geliyay in xukuumaddu wada tashi balaadhan qaran samaysay” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi Cirro isagoo la hadlaya Mudanayaasha waxa kale oo uu yidhi “laba arimood ayaanu mudanayaasha u soo jeedinaynaa midi waxa weeye waxa ina horyaala go’aan goluhu gaadhay mar hore, waxaana daruuri noqotay in inagoo ilaashanayna qaranimadeena inay danaheena kale ilaashano, markaa qodobka hore waxa weeye in qodob lagu soo daro Xeerkii lagu xakamaynayay in laga qayb galo shirarka Somaliya, qodobkaasoo ah in xukuumaddu ka qayb gasho oo loo arko in dani ugu jirto Somaliland.

Khudbada Guddoomiyaha kadib waxa ay xildhibaanadu u codeeyeen ansixinta labadaasi qodob, kuwaasoo 101 xildhibaan u codeeyeen in la ansixiyo, 3 mudane diiday, halka 4 mudane ay ka aamuseen, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada qodob.

Geesta kale intii ay socotay dooda iyo ansixinta qodobadan saaka la soo hor dhigay mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland, waxa buuq iyo sawaxan laga dareemayay hoolkii ay doodaasi ka socotay, waxaana jiray mudanayaala ka soo hor jeeday in la meelmariyo qodobadaasi oo doodayay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Xildhibaan Maxamd Faarax Qabille oo isagu markii dambe iskaga baxay Golaha ka hor intii aan la codayn.

Go'aankan golaha ayaa noqanaya mid wax ka badalaya siyaasadii gooni isu taaga Somalilnad madaama muddo 20 sano kuwaasoo wax aqoonsi caalami ah aan helin.
 
Garowe Online, Hargeysa

RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us