Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 1:50:24 PM
Wararka
Somaliland oo qabatey burcad badeed


Ciidamada Booliksa ee Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa 10 Octber, 2008 waxa gacanta ku dhigeen dad la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin   burcad baddeed reer Puntland ah, kuwaas oo la sheegay inay siteen  lacag farabadan. 

Dadkaan la qabtay oo ka koobnaa laba xubnood ayaa isla maalintaas xabsiga  dhexe ee Hargeysa loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin burcad baddeeda Puntland ee afduubka u gaysta maraakiibta marta gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Ma jiraan wax warar ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay qabashada dadkan lagu eedaynayo burcad baddeednimada.

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya  in labo xubnood oo kale ay Boliska ku daba jiraan kuwaasoo la sheegey in ay ku dhuumaaleysanayaan Hargeysa.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay xukuumadda Somaliland sheegto inay qabteen kooxo ka tirsan burcad baddeeda Maraakiibta ka qabsata xeebaha Puntland iyaga oo lacag badan sita.

Waxa ay ahayd bartamihii sanadkan markii burcad badeed reer Puntland ah lagu qabtay magaalada Wajaale kuwaas oo muddo dhowr bilood ah ku jiray saldhiga dhexe ee Hargeysa ugu dambayntiina lagu sii daayay cafis Madaxweyne iyadoon Maxkamad la soo taagin.

Maxamed Jamaal, Garowe Online
Hargeysa

RELATED:
Sarkal ka gostey Maxkamdaha oo hadley
Warbixin: Dagalka oo xogeystey
Madaxweynaha PL oo ka qayb galey xuskii 1 July Minnesota

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Ex-PM Gedi condemns insurgents, praises Puntland
NAIROBI, Kenya July 4 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us