Furitaankii maanta ayaa waxa hadalo kala duwan ka soo jeediyey masuuliyiin iyo saraakiil ka socotey hayada AWEPA oo farta ku fiiqey in loo baahna horey in loo qabto tababarada noocani oo kale ah ee kor loogu qaadayo Aqoonta mudanayaasha.
Gudoomiye Ku xigeenka Barlamanka Xaaji Xuuse ayaa furey tababarkan oo mahad balaaran u ceshay hayada AWEPA oo uu sheegey in wax badan u qabatay Barlamanka.halka xildhibaanada uu ku boorshey inay ka faa’ideystaan.
Tabarbarkan ayaa qayb ka ah dadaalka Dowladda Puntland ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta mudanayaasha aqalka wakiilada iyadoona la kaashaneysa hayadaaha caalamiga ah.
Halkan ka dhageyso Warbixinta Faarax Seefle ka diyaarshey Tababarka