Gudoomiyaha Degmada Caluula ee Gobolka Bari oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa u sheegay Radio Garowe in aysan awoodin inay talaabo ka qaadan burcad badeedka degmo ahaan.
Xareed Ciise Cumar oo ah Gudoomiyaha Degmada Caluula oo ka waramayaa xaalada degmada ayaa sheegay inaysan jirin wax dhib ah markii laga reebo dhaqdhaqaaqa burcad badeedka.
"Waxaa jirta tabar darro," ayuu yiri Gudoomiyaha xilli uu ka hadlaayey wax ka qabadka burcad badeed ku soo badatay degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa beeniyey warar sheegaya in rag lagu tuhmay inay yihiin burcad badeed ay qafaasheen ciidamo Reer Galbeed ah sida lagu shaaciye wakaalada wararka ee Reuters.
"Wax dhowaan lagu qabtay Xeebta Caluula ma jiraan" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Caluula.
Wuxuu kaloo sheegay in Maamulka Puntland ay la leeyihiin xiriir kooban wuxuuna ku daray in maamulkaas uu ka jiro wadada laamiga ah, siduu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha Degmada Caluula ayaa sheegay in lagu xanto inay xiriir la leeyihiin burcad badeedka degmo ahaan ilaa heer Maamulka Sare ee Puntland laakinse wuxuu beeniyay xiriir noocaasi ah.
Radio Garowe, Caluula