''Tageerayaal ururada PL ha u noqdeen'' 10 Feb 10, 2013 - 7:43:33 AM
GAROWE ONLINE
Wasiiru dawlaha Ganacsiga dawladda Puntland
Maxamuud Maxamed Idiris oo la hadlay Radio Garowe ayaa ugu baaqay
siyaasiyiinta diidan hanaanka xisbiyada badan inay joojiyaan
talabooyinka amaanka lidiga ku ah wuxuuna sheegay in xukuumadda Puntland
ay qancinayso qof kasta oo wax tabanaya iyadoo la raacayo Dastuurka.
“Saxiibaday
waxaan u jeedinayaa waa la dhaafay waqtigii la oran jiray 8,Janayo ha
la gaaro,fursad hore ayaa idin dhaaftay xilal baad doonaysan dalka inaad
ka qabtaan Ururadii diiwaangelintooda la soo dhaafay,tageerayaashii baa
iminka is qoray,markaa ururada mid ku biira haddii kele idinkoo
qaylinya baa la tartamayaa”ayuu yiri wasiiru dawlaha ganacsiga Puntland.
Mar
la waydiiyey inay suurta gal inay tahay in dawladda Puntland ay la
hadlayso xubnaha ka biya diidsan hanaanka xisbiyada badan,ayuu Idiris ka
jawaabay inay mar walba uu furan yahay wada hadalku ayna soo
dhawaynayaan cid kasta doonaysa in lala hadlo.
Wasiiru dawlaha
ayaa dhaliilay qaabka ay wax ku doonayaan siyaasiyiin uu sheegay inay ka
soo horjedaan Dastuurka,bulshada wuxu ugu baaqay inay ka soo
horjeestaan cid kasta oo diidan horumarka Puntland doonaysana inay
maskab hadana qabtaan horene u hayey.
Dhinaca kele wasiiru
dawlahan ayaa guul ku tilmaamay hanaanka xisbiyada badan ee Puntland u
gudubtay,wuxuuna sheegay inuu ka mid yahay golaha dhexe ee Urur
siyaasadeedka Horseed ayna marka la tartamo haddii laga badiyo ay ogol
yihiin,haddii Ururku horseed guulaystana waxa uu sheegay inay sii
wadayaan u shaqaynta & horumarka dalka & dadkaba.
Halkan ka dhageyso Cabdiqani Irbad oo wareystey Wasiiru dowlaha