Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Tahriibayaal ku geeriyooday Libya

Tahriibayaal Somali iyo Eritraen isugu jira ayaa ku dhintay dalka Liibya, kadib markii lagu soo qariyay gaari ay dusha sare ka saaran tahay Shamiito taasoo la sheegay inay ku duntay halkaasna ay ku dhinteen tahriibayaasha.

Waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 18 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 32 kale oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo Safiirka Somalia ee Libya uu sheegay inay ku jiraan qabanqaabada aaska maydadka.

"Shilku wuxuu habeen hore ka dhacay deegaan bari kaga beegan Tripoli qiyaastii 150-km, waxaana halkaas ku dhintay 16 Somali ah iyo 2 ruux oo u dhashay dalka Eritera" ayuu yiri safiirka oo intaas ku daray in dadka gaariga ay dhimashadu ka dhacday la socday ay ahaayeen 120-qof.

Maydadka ku dhintay shilkaas ayaa waxaa ku jiray 6 gabdhood oo dhalinyaro ah, kuwaasoo ka mid ahaa Tahriibayaasha doonayay inay u safraan dooni si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Dadkii ka badabaday shilkaas ayaa ku xiran xabsi ku yaala Magaalada xarunta ah ee Tripoli, kuwaasoo ay ku jiraan 18 gabdhood oo Somali u badan, iyadoo aan la hayn magacyada dadkii ku dhintay shilka gaari ee ka dhacay Liibiya.

Safiirka Somalia ee Libya C/qani Wacays ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid xanuun badan oo ku habsatay Somalida Tahriib doonka ah, isagoo sheegay inay soo gudbin doonaan magacyada dadka ku dhintay shilka.

Wadanka Libya ayaa wuxuu marin u yahay Kumanaan Afrikaan ah oo doonaya inay galaan dalalka Liibiya waxaana dadkaas u badan Somali iyo Eritrean, iyadoo badda u dhexeysa dalka Liibiya iyo Dalka Talyaaniga ay sannad walba ku dhintaan boqolaal qof oo Tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Maxkamada Bossaso oo ku riday xukuno Jariifayaal
DF oo ka hadashay go’aankii SL
TPEC oo shaacisay xiliga doorashada


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland police receive gender violence training
GAROWE, Somalia May 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us