Xuduuda u dhexeysa dalalka Yemen iyo Saudi Arabia ayaa laga helay maydadka 7-qof oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ay dileen sida la sheegay gaajo iyo cuduro ku dhacay intii ay safarkaas dhibka badan ku jireen.
"Maydadka waxaa la helay shalay galinkii dambe, waxaana dad deegaanada ku dhow xuduudaha dagan ay kusoo wargeliyeen UNHCR, goobtii ay ku dhinteen ayaana laga soo qaaday" ayuu yiri Xuseen Sh. Axmed oo ah Qunsul ku sugan Cadan.
Xuseen, wuxuu sheegay in dadkan dhintay ay u tageen deegaanka ay ku dhinteen sidii ay ugu gudbi lahaayeen dalka Saudi Arabia, waxaase ay ku dhinteen buur ay kaga gabanayeen ciidamada labada dal oo xuduuda la dhoobay markii ay dhaceen dagaaladii u dhexeeyay Yemen iyo kooxdii Xuuthiyiinta ahayd.
"Dadkan la helay maydadkooda oo dhamaantood rag ahaa ayaa ku dhintay goob qura, waxaana la sheegay in todobaadyo ka hor ay dhibteen" ayuu mar kale yiri Xuseen Sh. Axmed oo sheegay in lagu aaso Magaalo waqooyiga Yemen ku taala.
Kumanaan tahriib doon ah oo Somali iyo Ethiopian isugu jira ayaa sanad walba gala dalka Yemen, waxaase tahriibku uu adkaaday markii ay bilowdeen dagaaladii waqooyiga dalka Yemen sanadkii hore, kuwaasoo sababay dhimashada tahriibayaal Somali ah.
"Ehelada dadkan maydadkooda la helay weli lama helin, waxaase socota sidii loo weydiin lahaa qoxootiga ku sugan Yemen oo laga yaabo qaarkood inay isku mar soo galeen dalka ama ay is garanayaan" ayuu mar kale yiri Xuseen Sh. Axmed.
Qoxooti badan ayuu sheegay Qunsulku inay maalinta walba tagaan dalka Yemen, kuwaasoo uu sheegay in la marsiiyo baaritaan ka adag kii hore, waxaana sidoo kale uu xusay in dadka doonaya inay u talaabaan dalka Saudi Arabia hadda laga qaato lacag gaaraysa $1,000.
Dowlada Yemen ayaa uga digtay dadka Somalida ah ee ku nool dalkeeda inay ku dhex safraan dalkeeda, kadib markii ay soo baxeen hanjabaadyo ay Al-shabaab ku sheegtay inay ciidamo ugu dirayso kooxaha ku kacsan dowlada Yemen.
GAROWE ONLINE