From Garoweonline.com

Wararka
Taliye kale oo laga diley Somaliland
By
Feb 8, 2010 - 1:41:17 PM

Wararka  naga soo ka imaanaya magaaladda Caynabo ayaa sheegaaya in halkaasi dhaawac geeri dhaliyay kasoo gaadhay Taliyihii sahaminta qaybta 12-aad ee ciidanka Somaliland.

Taliyaha ayaa halkaas u joogey inuu soo eego maxaabiis loo soo wareejiyay Jeelka magaaladda Caynabo. Madaxa sahaminta ayaa lagu magacabi jiray Mataan Mahdi.

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ninka qaraxaan ka dhacay  uu taagnaa guriga gudoomiyaha magaalada Caynabo Saleeban Ducaale Xaaji Jamac.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dilkaan lala beegsadey Taliyahaan iyada oo la qabtey ninkii gaystey falkaan.

Maxamed Jamaal, Garowe Online
Hargeysa




http://www.garoweonline.com