Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Taliye lagu dhaawacay Muqdisho

Taliyaha ciidamada Taraafikada Muqdisho Gen. Cali Xirsi Barre [Cali Gaab] ayaa lagu dhaawacay Maanta 04 December,2012 Muqdisho, waxaana dhaawiciisa geystay Askari la sheegay inay isbaaro u taalay wadada 21-ka Oktoobar oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dhaawaca Taliyaha ayaa la dhigtay Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala Degmada Hodan, halkaasoo ay ku booqdeen saraakiil uu ka mid yahay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise oo sheegay in askari burcad ah uu dhaawacay taliyaha.

"Gen. Cali Gaab waxaa dhaawacay Askari Burcad ah oo taagnaa jidka, xaaladiisuna waa mid fudud oo isaga ayaa saxaafada la hadli doona" ayuu yiri Gen. Bariise warbaahinta kula hadlay isbitaalka lagu daweynayay Taliyaha.

Intaas kadib waxaa saxaafada la hadlay Gen. Cali Gaab oo sheegay inuu qabo dhaawac fudud, isagoo sheegay inuu dib howshiisa u bilaaban doono hadii uu ka bogsado dhaawaca gaaray.

"Dhaawaceygu waa fudud yahay, waxaana rajeynayaa inaan mar dhow howshayda dib u bilowdo" ayuu yiri Cali Gaab oo sheegay in Saxaafada Qaarkood ay baahiyeen inuu dhintay, balse ay taas tahay been aanay waxba ka jirin.

Askarigii dhaawaca u geystay Taliyaha ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in askarigu uu ka tirsanaa ilaaladii isaga la socotay ayna isku qabsadeen qoriga, taasna ay keentay inuu dhaawac fudud gaaro.

Taliyaha la dhaawacay ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Muqdisho uu ka socdo olole isbaarooyinka lagu qaadayo, inkastoo isbaarooyinkii waaweynaa la qaaday hadana waxaa jirta in weli ay jiraan ciidamo labisan ay meelaha qaarkood lacago kaga qaadanayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Wafdiga IGAD oo la kulmey ergadii dooratay A.Madoobe
''Midnimada Somalia waa Muqadas''
AMISOM oo ka hadashay Kismaayo


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting
KISMAYO, Somalia May 18, 2013 (Garowe Online)

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us