Jaaliyada Puntland ee Gemany 11 Nov 11, 2012 - 2:07:33 AM
GAROWE ONLINE
Jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan dalka Germany ayaa soo dhoweeyey hanaanka siyaasadeed ee Dowladu u gudubtey kadib markii albaabka loo furey diiwaagelinta axsaabta siyaasada Puntland.
Gudoomiyaha Jaaliyada Qurba joogta Puntland ee dalkaasi Germany Maxmaad Cabdiraxmaan Cali oo la hadlayay Radio Garoowe ayaa sheegay inay teegeersan yihiin nidaamka dimoqraadiyanta Puntland oo ku dhisan axsaabta siyaasada,wuxuna ku
tilmaamay inuu yahay nidaam wanaagsan oo shacabka u saamaxaya inay xor u
doortaan shaqsiyada ay doonayaan inay hogaamiyaan.
Docda kale Maxamad Cali ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii loo samayn
lahaa barnaamijyo horumarineed oo dalka iyo dibada ah ,taasoo ka qayb qaadanaysa isku xirnaanta Soomaalida ku dhaqan Yurub iyo in kor loo qaado dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed .
"Waxaa jiro mashaariic horumarineed oo bilow ah oo waxan sidoo kale wadnaa in dalkii dib loogu noqdo oo la maal gashto ,waxan doonaysaa dowlada Jarmarka inaan u gudbino codsi ah inay qayb qaataan horumarka dalka ka socda" ayuu yiri Maxamed.
Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa sheegay dalka Jarmarka waayadii hore inaysan ku
badnayn balse sanooyinkii la soo dhaafay ay dad badani oo Soomaali ah u soo
ruqaansadeen gudaha dalka.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha Jaaliyada Garmany ee Puntland Maxamad
Cabdiraxmaan Cali ayaa dadka hantida haysta ee ku dhaqan dalka dibadiisa ugu
baaqay inay ka qayb qaataan sidii dalka looga hir galin lahaa mashruucyo
horumarineed iyo maalgashi muuqdo.
Jaaliyada Reer Puntlad ee ku dhaqan Germany waxaa la aas aasay sanadkii 2011-hadafka loo yagleelayna jaalidaasi waxa uu ku suntan yahay sidii soomaalida kusoo badanaysa dalka looga war qabi lahaa xaaladooda gaarka iyo in dalkii dib loo maal gashto oo dhaqaalo loogu soo xareeyo,madaxda jaaliyada Puntland ee dalkaasi ayaa dhexda u xirtay sidii loogu gurman lahaa dadka ay soo food sooraan dhibaatooyinka deg deg ahi.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Cali Fantastic la yeeshey gudoomiyaha