Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo saxaafada Galkacayo maanta 29 December,2012 kula hadlay aya ka digey in khalkhal la geliyo amaanka iyo xasiloonida gobolka oo in badan laga soo shaqeynayey.
Waxa uu ku booriyey raga hanka siyaasadeed qaba inay u tartamaan kalsoonida shacabka iyagoo u maraya habka xisbiyada badan oo uu sheegey in fursad u tahay dhamaan dadweynaha Puntland.
‘’Guddiga nabadgalyada Mudug inaan shirar siyaaasadeed lagu qaban karin gobolka ayuu go’aan ku gaaray’’ ayuu yiri gudoomiyuhu oo ka soo sheekeyey ansixintii Dastuurka Puntland 18 April,2012.
Rag dalka dibadiisa ka yimid haatan oo aan horey uga qayb qaadan horumarka ka socdey Gobolka Mudug ayuu uga digey shacabka inay ku dabo saftaan.
‘’Dad qaaraan iyo wax tar ka geystey maahan horumar ka socda gobolka Mudug kuwa dibadda ka yimid caruurtoodana uga soo tagay dibadda’’ ayuu yiri mar kale Gudoomiye Tigey.
Amaanka magaalada Galkacayo ayaa waayadan danbe soo hagaayey ,waxana lagu gaarey wada-shaqeyn dhexmartey ciidamada amaanka iyo dadweynaha oo in badan kalsooni ku qaba awooda maamulka.
Halkan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Tigey