Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ayaa labaduba sheegay kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Somalia kadib inay diyaar u yihiin inay Somalia gacan ka siiyaan sidii Amaanka lagu adkeyn lahaa dibna loogu soo nooleyn lahaa dhaqaalaha dalka oo aan jirin.
"Xukuumada Turkiga waxaa ka go'an inay dhinacyado badan ka caawiso Somalia, sidoo kalena waxay tababaro siinaysaa ciidamada Somalida si amaanka loo adkeeyo" ayuu yiri Cabdala Gul oo saxaafada kula hadlay Turkiga.
Sidoo kale, Ra'iisul wasaaraha Turkiga Recep Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu sii wado mashaariicda horumarineed ee Somalia uu kawado si dib loogu soo celiyo horumarka dhaqaale ee dalka.
"Waxaan Somalia la leenahay xiriir wanaagsan, waxaana naga go'an inaan caawino, waayo dalkaas burbur ayuu ku jiray labaatan sano in ka badan, hay'adaheenuna howlo ayay kawadaan hada" ayuu yiri Erdogan.
Dhanka kale Madaxda Turkiga waxay sheegeen inay caawinta Somalida sii xoojin doonaan, iyagoo xusay in howlaha dib u dhiska dalkaas ay ka sameynayaan ay si toos ah u bilaaban doonaan sanadka soo socda ee 2013.
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo isaguna Maanta kusoo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in Dowlada Turkiga ay la saxiixdeen heshiisyo badan oo lagu horumarinayo Somalia.
"Turkiga waxaa ka go'an inay caawiso Somalia, howlaha dib u dhiskana waxay inta badan bilaaban doonaan sanadka soo socda, waxaana rajeynaynaa in xiriirka labada dal uu noqdo mid meel sare gaara" ayuu yiri Xasan Shiikh.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Somalia wuxuu ka mahadceliyay taageeradii ay Turkigu u fidiyeen Shacabka Somalida Sanadkii hore oo ay jireen abaaro daran oo sababay Macluul iyo inay dad badan u dhintaan baahi iyo Haraad.