From Garoweonline.com

Wararka
UN-ka oo ka hadlay xaalada Somalia
By
Nov 17, 2008 - 5:52:06 AM

Wakiilka UN-ka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdalla oo ka hadlay khilaafka Yusuf iyo N.Cadde ayaa ugu baaqay inay meel iska dhigaan kala fikir duwanaashaha u dhexeeya ayna awoodooda isugu geeyaan sidii ay u samatobixin lahaayeen dadkooda iyo dalkooda.

"Waxaan ku boorinayaa dhamaan xubnaha dowlada, mucaaradka, qurba-joogta, ganacsatada iyo bulshada inay muujiyaan isku soo dhawaansho ciidula Adxa awgeed, ayna ka fikiraan sharafta dalkooda, musaqbalkoda ayna ka tanaasulaan khilafadyada" ayuu ku yiri Abdalla warbixin uu soo saaray.

Ahmadou Ould-Abdalla ayaa sheegay in madaxda DF laga doonayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu heshiiyaan dhismaha xukuumada cusub, isagoo xusay inaysan wax faa'iido ah Somalida ugu jirin in awooda lagu loolamo.

"Somalidu waxay horumar la taaban karo ka sameeyeen shirkii Jabuuti, marka la eego qodobka xabadjoojinta iyo kulankii IGAD ee ka dhacay dalka Kenya" ayuu yiri Ergayga UN-ka ee arimaha Somalia.

"Waxaan rumeysanahay in beesha caalamku ay xiligaan u heelan tahay taagerada Somalia, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta" ayuu mar kale daboolka ka rogay Ahmadou Ould-Abdallah.

Ergayga UN-ka ee Somalia wuxuu sheegay in Somalia ay sanado badan kusoo jirtay dagaalo ay ka socon wayday, iyadoo qof walba uu dantiisa gaarka ah eeganayay; balse ay ka go'an tahay inuu sii wado dib u heshiisiinta.

Qaramada Midoobay ayaa dabada ka riixaysay dib u heshiisiinta u dhexeysa DF iyo ARS-Jabuuti, kaasoo soo bilowday bishii June ee sanadkaan, laguna kala saxiixday ugu dambeyn heshiisyo la soo dhaaweeyay.
 
Garowe Online, Muqdisho



http://www.garoweonline.com