Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay


Taliyaha ciidamada dalka Uganda Lt-Gen. Katumba Wamala oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kampala ee Entebbe ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Muqdisho ay ku dareen 750-askari oo cusub.

Lt-Gen. Wamala, ayaa sheegay in sidoo kale ay Burundi oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ka socda ay iyaduna 1,600-askari oo dheeraad ah u dirayso Somalia si loo dhameystiro tirada nabad ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.

"Haatan ciidanka nooga sugan Muqdisho waa 3,745 askari, waxaana rajeynaynaa in dhawaan ay tirada guud ee AMISOM noqon doonto 8,000 askari oo ahayd tiradii horay loo balanqaaday" ayuu yiri Lt-Gen. Wamala.

Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa hadalkan kusoo beegay iyadoo laga dajinayay garoonka diyaaradaha Kampala afar askari oo ku dhintay weerar hoobiye ah oo ay Al-shabaab todobaadkan ku qaaday Villa Somalia.

"Waan sii wadaynaa howlgalka aan ka wado dalka Geeska Afrika ee ay dagaaladu burburiyeen, dilka askarteenana niyada nagama jabinayo, waxaana Somalia ku sugnaan doonaan inta aan nabada kasoo celinayno" ayuu yiri Lt-Gen. Wamala.

AMISOM ayaa howlgalkeeda Muqdisho ka bilaabay [Mar 2007], waxaana tan iyo xiligaas laga dilay in ka badan 50-askari, iyagoo maalin walba dagaal kula jira kooxo hubeysan oo diidan joogitaankooda Somalia.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu socon doono inta ay kasoo celinayaan amaanka guud ee Somalia, halka Madaxweyne Sh. Shariif oo qaylo-dhaan u dirsaday caalamka uu sheegay dhawaan inay doonayaan taageero degdeg ah si ay isaga difaacaan Islaamiyiinta hubeysan.

Dhanka kale, Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in 47-Million oo Euro uu ku bixinayo howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Muqdisho, si looga hortago kooxaha argagaxisada ah ee dagaalada kawada Somalia.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us