Uganda oo ilaalinaysa Doorashada dalka 7 Aug 7, 2012 - 8:59:40 AM
Saraakiil ka tirsan ciidamada Cirka ee Dalka Uganda ayaa loo soo diray Muqdisho si ay gacan uga geystaan sugida Amaanka Muqdisho inta ay socoto doorashada Madaxnimo ee Somalia oo dhacaysa [Aug, 20, 2012] markasoo ay dhacayso dowlada hada shaqeynaysa.
Taliyaha ciidamada lugta Uganda Gen. Gen. Aronda Nyakairima Taliyaha Ciidamada Cirka Uganda Gen. Jim Owesigire ayaa sheegeen in ciidamadan loogu talogalay inay sugaan amaanka goobaha doorashooyinku ay ka dhacayso iyo weliba midka guud ee Magaalada Muqdisho.
Kooxdan Ciidamada Cirka Uganda ka tirsan ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horeeyay oo Somalia loo soo diro si ay qayb uga qaataan sugida Amaanka xarunat Somalia ee Muqdisho, waxaana la sheegay in saraakiishan ay howshoodu qayb ka tahay inay caawiyaan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan kumanaan ciidamo ah oo qayb ka ah howglalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ciidamadan oo ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti ay isku diyaarinayaan sidii u xaqiijin lahaayeen amaanka guud ee Muqdisho.
Doorashooyinka lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dooran doonaa Madaxweynihii Bedeli lahaa Sh. Shariif, iyadoo isaga laftiisa uu ka mid yahay xubnaha u taagan tartanka doorashada Madaxnimo ee Somalia.
"Sharaf weyn ayay Uganda u tahay inay gacan ka geysato sudiga amaanka inta ay socoto doorashada Madaxnimo ee Somalia oo dhacaysa dhamaadka bishan" ayuu yiri Taliyaha Gen. Ciidamada Cirka Uganda Gen. Jim Owesigire oo saxaafada klua hadlayay magaalada Kampala.
Beesha caalamka ayaa waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay Somalia uga dhalan lahayd dowlada aan KMG ahayn, taasoo ay sheegeen inay wax ka bedeli karto xaalada amaan-daro ee ka jirtay Somalia in ka badan 21-sano.