Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Ururkii 8-aad oo Garowe looga dhawaqay

GAROWE ONLINE

Waxaa galabta 30 December,2012 magalada Garowe xarunta Puntland looga dhawaaqay Urur siyaasadeed loogu wanqalay UDAD kaasoo la sheegay inuu yahay urur siyaasadeedka dadka Puntland,munaasibad lagu soo bandhigay oo ka dhacday hotel Aaran ayaa waxaa kasoo qayb galay Mamulka ururka,Aqoonyahano,Nabadoono,Qurba joog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Garoowe.

Bilowgii kulanka waxaa ka hadlay Siciid Yuusuf Nuur oo ka mid ah Aasasayaashii Ururkaan UDAD la yiraahdo,wuxuna sheegay asbaabta loo unkayna inuu yahay sidii wax badan loogu qaban lahaa shacabka reer Puntland,qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed ahna u furan yahay ka qayb qaadashadiisa.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee urur siyaasadeedka UDAD Mudane Siciid Faarax oo dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyey kana hadlaya hadafka ururka,iyo tilmaamaha uu bixinayo ayaa marka hore qaab dhismeedka UDAD ku sheegey inuu yahay mid kooban,wuxuna raacshey inuu u dhisan yahay Aasasayasha ,Gudomiyaha iyo labadiisa ku xigeen iyo gollaha fulinta.

Hal ku dhiga Ururka ayuu ku sheegay gudoomiye Siciid Faarax inuu yahay Nabad,Sinaan,Cadaalad iyo horumar,wuxuna sidoo kale dadkii kasoo qayb galay ugu baaqay inay kaalintooda ka qaateen sidii ururka loo dhaqaajin lahaa howlaha horyaalana u qabsan lahaa.

Arimaha ugu waa wayn ee ururkaan uu xooga saari doona ayaa lagu sheegay inuu yahay Isbadan doon dhab ah,Nabadgalyada waarta,horumar joogta ah iyo waliba dhaqaale koraya,waxayna sidoo kale mamulka ururkaan ay tilmeemeen in shacabka Puntland loo sameyay loogana baahan yahay inay dhaqalaha ururka ku saacidaan.

Xukumada Talada Haysa ee Puntland ayay ugu baaqeen madaxda Ururka inay xaq dhowraan mucaaradka ,ayna qabteen shirwayne lagu lafo guro arimaha ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowlada wax ka tirsanaya.

Nabadoon,Odayaal iyo dhalinyaro haween iyo rag iskugu jira oo goobta ka hadlay ayaa si wayn usoo dhaweeyay Urur-siyaasadeedkaan looga dhawaaqay magalada Garoowe,waxayna ugu baaqeen inay shacabka si cadaalad ah ugu adeegaan ugana bogsiiyaan arimaha ay tirsanayaan ee dhibaatada ku ah.

Ururkaani Garoowe looga dhawaaqay ayaa waxa uu noqonayaa urur-siyaasadeedkii 8-aad oo lagu dhawaaqo,walow ay maalin qura ka harsan tahay waqtigii ku dhawaaqista ururada axsaabta siyaasada Puntland.
















RELATED:
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin
Dibadbax ka dhacay Muqdisho


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us